Sool: Magacyada Saddex Askari Oo Ay Maxkamadda Ciidamadu Ku Riday Xukunno Dil Ah

Laascaanood, (SLP)- Maxkamadda ciidamada milateriga Somaliland ayaa maanta xukun dil ah ku riday saddex askari oo ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland oo siyaabo kala duwan dilal uga gaystay gobolka Sool, sida ay eedaysanayaashani maxkamadda ka hor-qirteen.

Maxkamadda degmada Laascaanood ayuu saaka jawigeedu ka duwanaa sidii hore ee lagu yaqaannay; waxaana soo buux-dhaafiyay ciidammo sugayay amniga, kuwaasoo isugu jiray millateri iyo booliis.

Dood-dheer oo ay Qareenadda u doodayay saddexda eedaysane oo kala ah; Ismaaciil Cabdi Cali, Cabdi Cali C/llaahi iyo Mustaf Saalax Samatar kaddib ayay maxkamaddu sheegtay in saacado kaddib in la isugu soo noqdo, iyadoo ay maxkamadda ku sugnaayeen dadweyne fara badan oo eegayay xukunka maxkamaddu gaadho.

Ugu dambeyn, waxaa xukunka maxkamadda u akhriyay saxaafadda, Col. Maxamuud Xirsi Faarax oo sheegay in maxkamaddu ay ku xukuntay sadexda eedaysane dil toogasho, isagoo raaciyay marag-muujinta iyo qiraallo ay ka hor-bixiyeen maxkamadda eedeysanayaasha la xukumay.Maxkamad

“Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada milateriga Somalialand waxay eedaysanayaashu ku xukuntay toogasho, maxkamadda ayaana go’aankaan gaardhay,” ayuu Col. Maxamuud Xirsi u sheegay warbaahinta.

Xukunkan dilka ee ay fulisay maxkamadda ciidamada milateriga Somaliland ku riday saddexda askari ayaa kusoo beegmaya, iyadoo saaka ay ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland ay qisaas ku fuliyeen lix qof oo dilal kala duwan ay maxkamaddaha dalku dembigooda ugu rideen xukunno dil ah.

Iyadoo muddooyinkii u dambeeyay ay dalka kusoo badanayeen dilalka ay gaysanayaan dadka rayidka ah iyo weliba ciidamada kala duwan ayay inta badan bulshadu dhegta u taagayeen, tallaabada ay xukuumaddu ka qaado falalkan isasoo tarayay.

 

Somalilandpost

Hargeisa Office