SOOL: Daayeero faro-baas ku haya Reer Guuraaga Abaaruhu Saameeyeen, “Maqashiibuu cunayaa, Carruurtiina waa looga cabsi-qabaa”

wHargeysa (SLpost)- Wax-garadka gobolka Sool, ayaa qaylo-dhaan ka diray baaxadda Abaaraha ka jira gobollada Bari, gaar ahaan gobolka Sool oo deegaamo ka tirsan ay isugu yimaaddeen Reer Guuraaga iyo dadweyne ka soo barakacay gobollo ka tirsan Soomaaliya iyo Somaliland.

Wax-garadkani waxa ay sheegeen in waxyeellada abaarta ka jira deegaankaasi ay sababtay in Xayawaanada qaarkood sida Daayeerka oo boqolaal u socdaa weerar ku qaadaan oo faro-baas ku hayaan Guryaha dadka reer Guuraaga ah, isla markaana ay cunayaan wax kasta oo ay helaaan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKAN