Somaliya Oo Xidhiidhka U Jartay Iran Una Qabtay Diblamaasiyiinteeda Inay Dalka Kaga Baxaan 72 Saacadood

MUQDISHO(SLpost)-Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay xidhidhka u jartay dalka Iran, kadib go’aan kasoo baxay golaha wasiirada.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in “Ayadoo la fulinayo go’aanka ka soo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, January 07, 2016 , Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay u yeerdhay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga Iran ee Muqdisho, waxa ayna guddoonsiisay go’aanka”.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya waxa ay sheegtay in lagu codsaday sii hayaha safiirka Iran ee Muqdisho iyo diblomaasiyiinta kale ee Iran in ay dalka uga baxaan muddo 72 saacadood gudahood ah.

06EE43F1-45FD-46FD-93DC-4646E7EC4B26_w640_r1_s_cx0_cy10_cw0

Talaabadan, ayey dowladda Somaliya sheegtay inay timid “Kadib baadhitaan dhab ah oo la sameeyay, laguna ogaaday in Iran ay ka fulineysay Soomaaliya howlo qalqal gelinayay amniga, deganaanshaha, wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed”.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay ugu baaqeyso Iran “Inay xushmeyso madax banaanida dowladaha, joojiso faragelinta gudaha, ilaaliso qawaaniinta, heshiisyada caalamiga ah iyo cahdiga Vienna ee xidhiidhada diblomaasiyadeed”.