Somaliland: Xukuumadda oo Xabsiga Dhigtay Xubno lagu tuhmay Jabhad la sheegay in laga aasaasay Awdal

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida ee Somaliland isla-markaana ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa sheegay in Jabhad cusub laga aasaasay Gobolka Awdal.

Xildhibaanka oo Maanta ka hadlay Xarunta Golaha Guurtida oo ay ka socotay dood ku saabsan Nabadgalyada Dalka ayaa sheegay in Toddobaadkii hore markii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Safarka ugu sii jeeday Magaalada Borama oo uu kaga qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta ee ka dhacday Jaamacadda Camuud ay halkaa timid Jabhad laga sameeyay Awdal, balse ay Ciidammada qaar ka mid ah qabqabteen illaa haddana ay xidhan yihiin, sidaasi darteedna wuxuu soo jeediyey in wax laga qabto arrintaasi, siyaasadda guud ee Gobolka Awdal-na dib loo eego.

“Anigu waxaan ka imid Gobolka Awdal, Gobolka Awdal waxa ka jira dhibaatooyin badan, dhibaatooyinkaa waxa ka mid ah, waakii Madaxweynuhu noo yimid, Qolo Jabhad ah oo la keenay waanu ka kaxaynay meeshii, waxna waanu ka qabanay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray Xildhibaanku oo uu soo jeediyey “Laakiin, weli may hadhin Xanaftii, qaar baa xidhan baa la leeyahay intaan ka soo maqnaa, markaa sida kale Nabad-bay u ahayd (Gobolka Awdal), laakiin mar kasta xagga galbeedka ayay wax ka imanayaan, markaa in Tallaabo laga qaado ayaa fiican Gobolka..”

Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre wuxuu sheegay in siyaasadda Dadka reer Awdal qaarkood ay wadaan ay wax yeelayso Dalka guud ahaan, sidaasi darteedna loo baahan yahay in wax laga qabto “Siyaasadda Awdal, Dadka qaarkii waxay wadaan Dalka ayay waxyeelaysaa, markaa waa in wax laga qabto..” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Source: HCTV