Somaliland: Xukuumadda oo Farriin hanjabaad xambaarsan u dirtay M/goboleedka Puntland

Hargeysa,  (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay hadallo dhawaan kasoo yeedhay maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal maamulkaasi safarka Madaxweynaha Somaliland ee Gobolka uu ku tilmaamay mid abuuraya sansaan colaadeed.

Wasiirka Xaabsade oo ka tirsan weftiga Madaxweynaha Somaliland uu ku marayo Gobollada Bari ee dalka ayaa meel fagaaraha magaalada Ceerigaabo ka sheegay inaanu maamulka Somaliland dib ugu dulqaadnayn maamul-goboleedka Putland, isla markaana waxa uu u diray digniin adag. “Waxaa jirta niman hadlay oo ka hadlay Putland oo yidhi sidee Axmed u yimaadaa Laascaanood ama jiida hore ee ciidanka side buu u yimaadaa, kaasi waa mid iska hanbabaray, waxaan leeyahay (faanoole fari kama qodnaa).” ayuu yidhi Wasiirku, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray, “Madaxweynuhu isaga halkaa nagu hayaa oo waxaanu tagaynaa jiida hore oo waxaanu gaadhaynaa ilaa yoocada ee ninkii wax tuurtuurayoow  anaga waa nala hor-fadhiyaa, markaad dhagax yar nagu soo tuurto, waxaanu ballanku qaadaynaa inaanu adiga ku dhaafno.” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net