“Somaliland way Leedahay dad iyo Hub ku filan oo ay Qaranimadeeda ku Difaacdo” – Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in aan hore Somaliland xoriyadeeda bilaash lagu siin ee ay Xoog kula soo noqotay , imikana ay leedahay shacab iyo ciidan ku filan oo xoriyadooda ilaashadda.

Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu duhurkii ku qabtay Madaarka Hargeysa ka hor intii aanu u kicitimin socdaal rasmi ah oo uu ku tagay dalka Turkiga oo uu marti-qaad ka helay Raysal wasaaraha wadankaasi.

Siilaanyo2Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ugu waramayay saxaafadda ayaa ka warbixiyay socdaalkiisa, waxaanu yidhi “Aniga iyo weftiga illa socdaa waxaan u baxaynaa safar aanu ku tegayno dalka Turkiga, halkaasi oo aanu marti qaad rasmi ah ka helnay raysal wasaaraha dalka Turkiga. Wefti wasiirro ah oo dalka Turkiga joogaana way naga sii horeeyaan, dalka Turkigu waa dal wayn oo aynu taariikh badan wadaagno, waa dal wax badan ay inagaga xidhmi karaan, waxaanan doonaynaa in aynu xidhiidh fiican dhinacyo badan leh la yeelano, sidaas darteed marti qaadkaa aanu ka helnay ayaan ku tegaynaa, Waxaanan illaahay ka baryaynaa in uu nagu soo guuleeyo oo danaha aanu ka leenahay ee labada dal ka dhexeeya si wanaagsan isula meel dhigno.”

 “Safarkani waxa uu ka mid yahay dhaq-dhaqaaqa badan ee ay dawladu samaynayso ee ay dunida kula xidhiidhayso si aynu qadiyadeena iyo daneheena kale uga dhaadhicino dunida inteeda kale,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay sida uu u arko cuno-qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaliya waxa uu yidhi “Dawlada Soomaaliya waxay ahayd dawlad dunidu ictiraafsan tahay, wax cusub ma aha in dawladda Soomaaliya ee hada la icitiraafo.

cuna qabataynta hubka ee laga qaadayna waa mid aanu aad iyo aad uga xunahay dhibaatada ay noo keenayso, laakiin annagu ma hayno meel ay dawladda Soomaaliya ku tidhi xoog ayaanu ku dhacsanaynaa, xoog ayaanu ku midaynaynaa iyo dagaal ayaanu ku qaadaynaa, sida kale ayay u tidhaahdaa hawlaha wada hadal ayaanu ku dhamaysanaynaa.

 Anaguna wada hadal dan kama lihin awalba waanu wada hadlaynay, hore ayaanu isugu nimid meel ay dunidu joogto, wadahadal wax kama qabno ee wadahadal loo siman yahay oo ay Somalilland gooni isu taageeda iyo qaranimadeeda ku muujinayso oo ay u cadaynayso cid kastaba.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Somaliland leedahay ciidan difaaca oo ku filan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Daafacaad haddii ayn noqotana Somaliland way leedahay ciidan ku filan iyo dad ku filan oo xoriyadooda ilaashadda, markii horena Somaliland xoriyadeeda bilaash laguma siine’ xoog ayay kula soo noqotay.”

Madaxweynaha waxa socdaalkiisa ku weheliya Marwadda koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris), Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Dib u dejinta Md. Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye, halka ay dalka Turkigana ku sii sugan yihiin Wasiirka Arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan.