“Somaliland waxa dhawaan ka Qabsoontay doorasho shacabku ku doorteen madaxweyne cusub oo aan ku kalsoonahay inay isagana ka go’an tahay sii wadista…” Siilaanyo oo Dhambaal hambalyo ah u diray M/weynaha Kenya

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo maanta xilka loo dhaariyey markii labaad ee uu dalkaas hoggaamiyo, kaddib doorashadii muranku ka dhashay ee bishii hore ka dhacday dalkaas.

Madaxweyne_Siilaanyo2013Md Axmed Siilaanyo waxa uu hambalyada ka sokow ku baraarujiyey madaxweynaha Kenya in sidoo kale doorasho madaxweyne Cusub ku soo baxay ka qabsoontay Somaliland, isagoo u ballan-qaaday  inaanay waxba ka iska beddeli doonin xidhiidhka ka dhexeeya labada waddan maadaama uu kalsooni ka haysto madaxweynaha shacabka Somaliland doorteen ee Muuse Biixi oo uu sheegay inay ka go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka labada waddan.

Dhambaal hambalyada Madaxweyne Siilaanyo u diray Uhurru Kenyatta oo ku qornaa luqadda English oo bahda Somalilandpost idiin soo tarjuntay, ayaa u qornaa sidan:- “Waxaan si diirran kuugu hambalyeynayaa guushaada anigoo kuu rejaynaya inaad guul ka gaadho masuuliyadda aad madaxda ku qaadatay iyo caqadaha ku gedaaman kursiga aad markii labaad hanatay.

Somaliland waxa dhawaan ka Qabsoontay doorasho shacabku ku doorteen madaxweyne cusub oo aan ku kalsoonahay inay isagana ka go’an tahay sii wadista xidhiidhka saaxiibtinimo iyo wada-kaashi ee ka dhexeeya shacabkeenna iyo masuuliyiintooda.

Waxaanu rejaynayaa inaynaan ka wada-shaqayn oo kaliya sii xoojinta xidhidhak labadeenna waddan, laakiin sidoo kale waxaynu ka wada-shaqaynaynaa sidii aynu ugu dedaali lahayn xoojinta nabadda iyo Barwaaqada gobolka.” Sidaas ayuu Md Siilaanyo ku yidhi warqadda uu u qoray.