Somaliland: Wasiirka Diinta & Aw-qaafta oo ka hadlay Curashada bisha Ramadaan iyo Fadligeeda

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in aan meelna laga arag  bisha Ramadaan, waxaanu shaaciyey in la dhammaynayo 30-ka Bishan Shabcaan 1440-ka.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta  oo caawa u warramay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), Wuxuu  sheegay in curashada bisha Ramadaan aan caawa Jamhuuriyadda Somaliland meelna laga arag, sidaas darteed bisha Shabcaan ay 30 tahay, isla markaana habeen dambe oo Isniin ah ay Bisha Barakaysan ee Ramadaan Kow noqonayso  la soomi doono.

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed wuxuu dadweynaha reer Somaliland ugu hambalyeeyey bisha Barakaysan ee Ramadaan oo uu u soo jeediyey in laga faa’iidaysto Fadliga Bisha Ramadaan isla markaana la badiyo acmaasha khayrka leh si EEBE innoogu dambi dhaafo.