Somaliland: Wasiir Wareejiyey Shaqaale ka badan Tiradii la Qoray 20-kii Sanno ee ka horeeyey

HARGEYSA (SLpost)- Wasiirkii iyo Wasiirul-dawlihii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, ayaa shalay Xilalkii ay hayeen ku wareejiyey Wasiirka iyo Ku-xigeenkiisa cusub ee dhawaan Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Wasaaraddaas.

Isku-shaandheyn madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo Golihiisa Xukuumadda bilowgii bishan, waxa uu Wasiirkii hore ee Xannaanada Xoolaha Cabdi Aw-Daahir u beddelay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada kaddib markii uu xilka ka qaaday wasiirkii wasaaraddaas oo muddo u jiifay xaalad caafimaad-darro, halka Wasiirul-dawlihii Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdiraxmaan Jaamac Cabdulle Xilka ka qaaday, booskiina ku beddelay Wasiir ku-xigeen Cusub oo uu u magacaabay.

cabdi awdaahirMunaasibad loo qabtay xil-wareejinta Masuuliyiintii hore ee Xannaanada Xoolaha iyo masuuliyiinta Cusub oo lagu qabtay Hotel Safaari ee magaalada Hargeysa shalay, waxa ka qayb-galay Wasiirro, Xildhibaanno, Shaqaalaha Wasaaradda iyo Marti-sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha somaliland Dr.Jaamac Maxamed Odowaa oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxay wax-qabadka ay masuuliyiintii hore ku soo kordhiyeen wasaaradda muddadii ay joogeen, isaga oo soo bandhigay korodh lagu sameeyey tirada shaqaalaha Wasaaradda Muddadii ay xilalka hayeen iyo sida ay wax uga qabteen caafimaad-qabka Xoolaha oo laf-dhabar u ah Dhaqaalaha Somaliland.

“Shaqaalaha wasaaradda markii hore waxay ahayeen waxaan Gaadhin Laba Boqol, hadana waxa ay yihiin 350 Shaqaale ah, waxaana kale oo ka Mid Ah toban Milayn oo Xoolaha oo La Daweeyay,waxa lagu qiyaasaa Xoolaha Somaliland ilaa Labaatan Milyan, Haaf ka mid Ahi waxa ay qateen Dawooyin iyo Talaal, Dawladuna wasaaraddan waxa ay u kordhisay Miisaaniyada oo dawladii ka horaysay ahaan Jirtay ilaa Saddex Boqol oo kun imikana waxa weeyaan Hal Milayn oo dollar oo lacag ah,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xooluhu.

Wasiiru-dawlahii hore ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdiraxmaan Jaamac Cabdale oo xilka ku wareejiyey Wasiir-ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Cali Maxamed Cilmi oo ahaa Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xilka uu wareejinayo, waxana uu masuuliyiinta cusub u rajeeyey in Eebbe ku astaro xilka qaran loo igmaday.

Wasiirkii Hore ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa warramay wax-qabadyadii uu ku soo krodhiyey wasaaraddal, isaga oo sheegay inuu Wasaarada Xanaanada Xoolaha Gaadhsiiyay meel aanay hore u gaadhin, waxaanu yidhi, “Waa Wasaarad Maanta ay u dhantahay dhamaan adeegyadii ay Ku hawlgalaysay ee lahaa Dhismayaal, shaqaale, qalab, shuruuc, Somaliland inta badan dhaqaalaheedu wuxuu ku xdhanyahay Xoolaha Nool. Boqolkii 70 shaqaalaheenu waxay Ku xidhan yihiin Xoolaha, boqolkii 60 GDP (Dakhliga Dhaqaale ee dalka soo gala) waa Xoolaha, boqolkiiba 85% lacagta inaga soo gasha waxaynu dhoofino waxay ka timaadaa Xoolaha.”

Wasiir Cabdi Aw Daahir oo ka hadlay tirada shaqaalaha iyo Korodhka ay ku sameeyeen, ayaa yidhi, “Mudane Wasiir, waxaanu kuugu wareejinayaa 335 shaqaale oo 30 ka mid yihiin 2015-ka. Shaqaalahaa 195 ka mid ah waxa la qoray intii dawlada Xisbiga Kulmiye talada dalka la wareegtay oo ka badan shaqaalihii 20-kii sannadood oo dhamaa 140 keliya una badnaa hawlgab. Waxaan ka duulaynay siyaasadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ee ah Kor-u-qaadidda Shaqo abuurka iyo daryeelka xoolaheenna. Shaqaalahaas 80% waa dhakhaatiir Xoolaha ah oo ka soo qalinjabiyay Jaamacadda Burco, Dugsiga Xoolaha ee Sheekh iyo jaamacadaha Ethiopia. Maanta inta badan gobolada dalka waxaa ka hawlgala dhallinyaro jaamiciyiin ah oo u heegan ah daaweynta iyo daryeelka Xoolaha.”

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu si fiican ula shaqayn doono shaqaalaha wasaaradda, isaga oo xusay inuu latashi badan la samayn doono masuuliyiinta uu xilka kala wareegayo.