Somaliland: Wasiir Ka Qayliyey Tirada Shaqaalaha ka hawl-gala Wasaaraddiisa oo kala badh aan shaqaynin iyo Qaar Mushahar la’aan ah

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Md Cismaan Jaamac Aadan, ayaa shaaca ka qaaday in tiro ku dhow 2,600 macalin oo ka hawl-gala dugsiyada Dowladda ay ku shaqeeyaan mushahar la’aan.

 

Wasiirka Waxbarashada Somaliland waxa uu sidaas ku sheegay warbixin uu siiyey Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo wasiirku hortagay maanta, waxaanu halkaas ugaga xog-warray xaaladda wasaaradda uu madaxda ka yahay iyo duruufaha ku xeeran waxbarashada dowliga ah ee dalka.

 

Wasiirku ugu horeyn waxa uu walaac xooggan ka muujiyey tirada shaqaalaha ka hawl-gala wasaaradda oo uu sheegay inay tiradoodu faraha ka baxday marka laga reebo bareyaasha iyo maamulka dugsiyada dowliga ah.