Somaliland: Wasaaradda Waxbarashada oo Ruqsadda kala Noqotay Dugsiyo Gaar loo leeyahay

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa shaacisay inay ruqsadaha kala noqotay qaar ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaala Magaalada Hargaysa.

 

Dugsiyada ruqsadda lagala noqday ayay Wasaaradda Waxbarashadu ku eedaysay inay jebiyeen heshiisyo ay la galeen wasaaradda, isla markaana ay ka dhego-adaygeen wareegtooyin uu soo saaray wasiirka waxbarashada Somaliland, kuwaas oo ku saabsan xilliga la furayo Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee dalka oo wasaaraddu muddo-kordhin ku samaysay sababo la xidhiidha xilliga Ciidal-Adxaha oo ku soo beegmay xilliga furitaanka dugsiyada.

 

Kulan ay maanta isugu yimaadeen masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda iyo Maamulka gobolka Maroodijeex oo ka qabsoomay xarunta badhasaabka ee magaaladda Hargaysa, ayaa lagaga dhawaaqay go’aanka saamaynta ku yeeshay Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee u hoggaansami waayey amarka wasaaradda Waxbarashada.

 

Muuqaalka Hoose kaga bogo faahfaahinta Warkan oo dhammeystiran.