Somaliland V Somalia

image_1361047177711554Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu iska dhigayaa wax aanu ahayn, waxa uu matalayaa Inuu yahay: Good Samaritan – a person who voluntarily offers help or sympathy in times of trouble. waxa uu mar walba oo uu madal ka hadlayo isticmaalaa weedho ama hadalo ay ka mid yihiin midayn somalia wixii la isku odhan jiray, waxa uu mar walba yiraa si nabad galyo ah ayaan ku galaynaa sidii aanu u midayn lahayn dalkii magaca Somalia ku midoobay lixdankii, waxa uu mar walba iska yeelyeelaa inuu isticmaalo hadalo uu isagu is leeyahay waad ku soo jiidan kartaa dadka somaliland u dhashay, af badan oo aanu u dhalan buu caadaystay Inuu meel wal oo uu ka hadlaayo ka yidhaahdo, isagoo is leh hadaladaasi waxaad ku dajin ama jiidan kartaa somaliland dadkeeda
Waxa uu Isla markii uu xukunka qabsadayba uu bilaabay olole xoogan iyo dhaqdhaqaaq badan oo diblomaasiyadeed oo uu ku doonayso inay ku joojiyaan xidhiidhada ay Somaliland dunida la leedahay 22 kii sano ee Ina soo dhaafay, dhinaca kale waxa uu wadaa hadalada ay Somaliland sanadkii hore la bilowday Somaliya. Dhinaca kale waxa uu galay olole balaadhan sidii uu u kasban lahaa dad badan oo reer somaliland ah oo isugu jira waxgarad,ganacsato Iyo siyaasiin. Waxase la yaab leh inuu halkii u danbaysay ka bilaabay, isagoo xukunkiisa aanu dhaafsanayn xaafado xamar ka mid ah, iska daa gobolo kale’e ayuu somaliland ku qaaday duulaan dhinac kasta ah, taasina waxay ku tusaysaa cadaawada uu u qabo somaliland intay leeg tahay. Waxuu isku dayay mar walba Inuu iska hor keeno shicibka somaliland Iyo dawladooda, isagoo ku andacoonaya inay dawlada somaliland hadalo hoosaad wada qaateen una socdaan, waraaqo badan Iyo documents badana lays waydaarsaday. Taasi macnaheedu waa shicibka oo dawlada ku gadooda,Ujeedadana ay tahay Inuu xasilooni daro ka abuuro somaliland gudaheeda Iyo dibadeedaba
Waxa kale oo cadaawadiisa kuu muujinaya in xataa ay dawladiisu ay ka daba tagtay dacwadihii ay shacabka Somaliland ee qurbuhu ku oogeen raggii ugu sareeyay taliskii  Siyaad Barre, sida Maxamed Cali Samatar oo sida la wada ogyahay kana masuul ahaa xasuuqii somaliland oo xitaa Cali Samatar laftiisa bbc laanta afsomaaliga Iyo idaacadaha aduunka oo dhan ka qirtay inuu isagu ka masuul ahaa xasuuqaas loo gaystay shacabka somaliland ee aan waliba waxba galabsan. Nacaybka uu ninkan Xasan u qabo somaliland ayay ku tusaysaa Iyo heerka ay cadaawada uu qabaa leeg tahay dadka somaliland. Hadaba suaashu waxay tahay markuu kalmado siyaasadayn oo uu u arko inay fiican tahay meelahaas kaga hadlaayo ee hadana uu arimahan ku kacaayo maxaa si ah??. Marka inta ay warqad qoreen ay kaga codsanayaan wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, ee ay leeyihiin ha la siiyo immunity Cali Samatar , iyagoo weliba ku tilmaamay Cali Samatar inuu ahaa geesi dalkiisa difaacayay. Arinkaasi  miyaanu ahayd mid muujinaysa cadaawada Madaxweyne Xasan Iyo dawladiisa u qabaan shicibka somaliland. Miyay sii fogaynaysaa somaliland mise way soo dhawaanaysaa?
Hadalada kale ee raisal wasaarihiisu live television ka yidhi ayaa iyana ku tusaysa cadaawada ay kuu qabaan, waxa raisal wasaarihiisu ku hanjabay inuu xoog ku muquunin doono somaliland. Waxaan leenahay Saacid Adeerkaa siyaad bare oo ciidamadii afrika ugu xoog waynaa haystay baa dadkan wax ka qaadi waayay oo aad ogtahay ee adna bal waxba ha la hadhin.
Shalay mar uu raisal wasaaraha Somalia uu parliament Somalia la hadlayay ayuu hadana sidan hoose leeyahay.
“..Wadahadalka ay yeelan doonaan Dowlada Soomaaliya iyo Somaliland mar walba wuxuu noqon doonaa mid ku salaysan nabad iyo wadahadal, balse marnaba noqon maayo mid xasarad iyo faro isku taag taag ah…” ayuu yiri Raysalwasaaraha Soomaaliya oo ka waramaya siyaasadooda ku aadan xiriirka maamulada ka jira dalka Soomaaliya.
Saacid ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay dooneyso inay kala shaqeyso maamulka Puntland dhanka amaanka iyo waliba iskaashiga, isagoo sheegay inay si weyn u taageersan yihiin horumarka iyo dadaalka horumarineed ee ka jira deegaanada Puntland.
Suaashu waxay tahay markee ayay saxsan yihiin, mise waa isma maqasho, mise waa ka siyaasad xumo. Xageed ku aragtay nin marna hanjabaya marna sidan u hadlaya, mida kale muxuu puntland amaankeeda ka qaban karaa tii oo aanay xamar nabad ahayn oo qori lagu ilaaliyo isaga Iyo xubnaha dawladiisa oo dhan, gurigisa Iyo ka madaxtooyadoodaba hadh Iyo habeen la qarxinayo.
Laba siyaasadood oo qalafsan bay dawlada Somalia ku wadaa somaliland
1- madaxweynohodu isagoon Xamar maamul kiisa gaadhsiin ayuu rabaa Inuu somaliland kala daadiyo dibad Iyo gudaba.
Dhinacna af macaanays ka wado oo sympathy ku rabo.
Arinkan ingiriisku ee amniga ah oo uu lahaa somaliland amnigeedu ma fiicna waxay hor dhac u tahay siyaasadaha qalafsan ee lagu rabo in cidhiidhi laynagu galiyo. Berina waxaydun maqli ingiriiska Iyo kuwa wax Inoo tuurtuura oo leh hadaad sidaa yeeli weydaan waanu goosan caawimada ay ina siiyaan
2- Raisal wasaarohooda waxa isna ku jirta cabsi ah in hadii somaliland Iyo Somalia ay federal Iyo wax ka wada hadlaan(God Forbids) aanay faaido ugu jirin cida uu ka soo jeedo, markaa waxuu isku dayayaa Inuu somaliland oo marka horeba fogayd uu sii fogeeyo isagoo marna Cali Samatar galaya arinkiisa, marna leh xoog baan ku qabsan somaliland.
Waxaan u sheegi lahaa Xasan Iyo saacid inaanay marnaba dhacayn waxa ay doonayaan laakiin ay dhici doonto waxa shicibka somaliland rabo oo kaliya.
Dawlada somaliland iyana waxaan xasuusinayaa in goaanka shicibka oo kaliya aakhirka soconaayo.
Dawlada somaliland way ku saxsanayd in aanay somaliland ku biirayn Somalia ilaa qiyaamaha.
Waxa dhici doonta in shilimo yaryar oo marka horeba wax yari inaga soo gaadhaan, laynoogu hanjabi doono, cidhiidhi badana layna galin doono, xasilooni daro laynagu abuuri doono si aynu u ogolaano waxay ay rabaan oo ah in laysku noqdo.
Isku noqoshada taladeeda shicibkaa iska leh. Maraykan Iyo ingiriis Iyo carab midna ka talin maayo waxa aynu inagu rabno. Taa ha la ogaado.
Midnimada somaliland oo kaliya ayaa lagaga bixi karaa caqabad kasta Iyo wax kastoo laynala maagan yahay.
Somaliland waxan ay haysato ilaahay baa siiyay imikana inshala Allah ilaahay baa Ina ilaalin doono.

Ahmedyasin Mohamed Jama
aymjama@hotmail.co.uk