SOMALILAND UMMADD LA GO’DOOMIYEY..!!!

Dhammaan  waxaan  salaamaya suxufiyiinta  iyo  warbaahinta madaxa banaan ,  iyo siddoo kale dhammaan  ummadda soomaliyeed ee  sharafta  iyo  karaamada  iga  mudan.

Qoraalkani  wuxu  hollanaya  inuu Ka  sakow nabadda iyo xasilloonida ka jirta  geyiga  Somaliland , tan iyo markii lagu dhawaaqay  gooni  isu taaga  Somaliland , 1991kii  ayaa  waxa  magaalooyinka  Somaliland  oo idil laga tabeya baahiyaadka nolosha  aasaasiga  ah oo  kamid  tahay ; fursadaha  shaqo abbuur , kobcinta dhaqaalaha , kor  uqaadida heerka  nolosha  dadka  danyarta  ah , iyo sidoo kale baahi baaxad  weyn leh oo loo qabo in maamul caddaalad ku dhisan la gaadhsiiyo deegaanada Somaliland. middaas oo ah arrin tobal- caaro ku noqotay shacbi-weynaha Somaliland .

daaha ka  qaado siddii dadweynaha  soomaliland ku dhaqan  aan uga  dhaadhicin lahaa in waxqabdka , horumarka , waxbarashada , iyo caafimaadku ay  yihiin kaabayasha bulshada markastana mudnaanta koowaad la siiyo. Waana waajib dusha ka saaran hadba maamulka  loo doorto  meeshas , laakiin taas  bilcagsigeeda tan iyo markii Soomaaliland dhidibada loo taagay waxa  bedeshay  in dhammaan dadkii oo dhan lagu  mashquuliyo doorashooyin iyo diiwaan gelin  joogta ah oo ay ku baxaan  sannad kasta malaayiin dollar,  misana  dadkii  laga  dhaadhiciyey in dimuqraadiyada  kor  loogu qaadayo.

Yaab iyo amakaag!  Maahmaah baa odhan  jirtay : ‘‘ Dumar  been baa lagu soo xero galiya runna waa lagu dhaqa’’ . Reer galbeedka iyo haay’adaha bixiya deeqaha doorashooyinka lagu qabanayo,  waxay  madaxda soomaliland ku maaweliyaan in aqoonsi caalami la siin doono  haddii doorashooyinku si  xor iyo xalaal ah udhacaan , kaaga sii daranta isla jeerkaas  doorashooyinku qabsooman  ee  la kala adkaado  waxa  jaan iyo cidhib meel ay dhigeen la waaya ,kooxihii  is daba yaacayey . markaas waa dimuqraadiyad  aan  cidna  kuu ogeyn.

Sannadii  2013 waxaa magaalada hargeysa yimid  ganacsadayaal ka socda waddanka isutaga imaaraatka carabta kuwaas u dan lahaa  maalgashi isugu jira dib uhabeyn  iyo ballaadhin in lagu sameeyo  marsada berbera.  Wax yar uun kadib marka heshiiska wejigiisi  hore hargeysa lagu gabo-gabeeyay  , ayaa waxa  lagu ballamay kulamada danbe inay ka dhacaan magaalada dubai .

Maalintii ay ku eekayd  ballantu ayaa  wufuud ka socota Somaliland u baqooleen xaggaas iyo dubai . Ergo matalaysa Somaliland oo ku lebisan  calanka Somaliland ayaa iska xaadiriyey madashii  heshiisku ka qabsoomi lahaa.  kadib markii la isugu yimi goobtii qandaraaska lagu kala saxeexan lahaa ayaa waxa  Nimankii ganacsatada carbeed  ahaa isha qac ku siiyeen warqado ay kor  iyo hoos  kaga  xardhan yihiin  sumadda iyo  calanka Somaliland,  isla markiiba intay kor uboodeen kaceen  kuye ;  ‘‘maxay ahaayeen waraaqahan jamhuuriyadda soomaaliland ku xarriiqan yihiin ? miyaydaan ka tirsanayn jamhuuriyada federaalka soomaliya ? annagu maalgelin intaas leeg suurtogal maaha innaanu  gelino berbera oo Somaliland ku abtirsanaysa’’.

Laakin se  waan awoodna  berbera oo soomaliya ah maadama somaliya ay tahay waddan dunida ka tirsan , hadhow tana haddii hantidayada khasaare soo gaadho magdhow aan uga heli karayno.

Inta shirkii  lagu kala dareeray ayaa ninba jihada gurigiisa dhabadda saaray . kadib markii  wufuudii Somaliland cagaha soo dhigteen  madaarka caalamiga ah ee hargeysa  waxay ummaddii ugu khudbeeyen  in heshiiskii la isku afgaran waayey ,  khilaaf  ku qotoma  siddii loo maamuli lahaa ballaadhinta dekeda berbera.

Waxa la yidhi  wa’ayo  waayeel ? waa  innaga oo aan is yeel-yeelayn! Haddii aynaan is yeel-yeelayn  Waa been  aan sal iyo raad toona lahayn iyo dhabar-jab joogto ah oo ay siyaasiyiinta Somaliland ku hayaan ummaddan , waxayna  weji  gabax ku tahay dadka reer  berbera  ee  horumarka iyo dhismaha laga hortaagan yahay muddada 25ka sano ah , annigu waxaan hubaa in haddii  afti laga  qaado  dadka ku dhaqan berbera  ay 85%  raalli ka ahaan lahayen haddii shirkadaas carbeed usoo bandhigi lahayd qorshaha dib u hagaajinta dekeda berbera oo ay odhan lahayd ku qaata magaca dawladda soomaliya . Nasiib darrose ay garan waayeen  siyaasinta Somaliland matalaysay.

Waxa la yidhi:  ‘‘ maalintii  intay  ishaadu  gaadho ayaa la hadlaa habeenkiina  intay gacaantaadu gaadho’’ aan kala hufo haddana kala haadiyo ;  waxa  wareysii  xiiso badan laga qaaday wasiirkii horre  ee arrimaha dibada soomaaliya fowsiya yusuf  xaaji aadan qabille ,  wareysiga ayaa siddan u dhacay‘‘ Marwo  fowsiya  intii aad haysay  jagada wasiirnnimo maxaad u qabatay deegaanka aad ka soo jeeday’’ ?  Waxay ku falcelisay siddan:  “ waxaan fulinay mashruucyo badan laakiin waxa ugu muhiimsana waddo  isku xidha magaalooyinka ceerigaabo iyo burco oo ah qandaraas ay dawladda shiinuhu ugu deeqday  waqooyiga soomaliya , laakiin nasiib darro waxa  baajisey Soomaalilaand iyagoo ku andacooday in dawladda somaliya ay faro gelin ba’an ku hayso’’

Alla  yaw kala warrama haddaad ogaan lahaydeen rafaadka iyo dhibta ay qabaan dadka ku safra wadadan  waad quusan lahaydeen , haddii loo sheegi  lahaa xaqiiqada dadka reer miyiga ah ee deegaanadaas  ku dhaqan in Somaliland ay diidey qorshe loogu dhisi lahaa wadadan  silica ku haysa  ay berri  hore  jihad ku qaadi  lahayen hargeysa.  Ahey  way  iyo ciil , imtixaanka ummadeyda  haysta  badanaa , immisa Eegga  maalin kasta dad nool ku dhinta waddooyinka  duugoobay ee degmooyinka  Somaliland ku yaal.  Meeday  dawlad ku sheegtii  loo doortay innay arrimahaas wax ka qabato. Dadkaygoow  haddaydaan I maqlin maanta oo  aydaan runta  daaha ka rogin,   Alla igu ogee  waxba  yaan af-gobaadine  aramaa qarxi doonta.  Arma la noolaadaa oo badh innaga hadhaa ; la arki doonee  siday ku danbeyn.

Ileyn  nin daad qaaday xunbo cuskay  , markii  la baal maray deeqdii  wadada  lagu fulin  lahaa ayay madaxdii soomaliland is habar-wacdeen , markaasay islaamihii yidhaahdeen dahabka iibiya , qurbajoogtiina lacagihii  ka furteen .  Waxaan odhan laha:  ‘‘midho  geed  saaran , kuwo  guntiga  kuugu  jira  looma qubo’’.  Kaaga darranta markaasay lacagahii isla  jeerkaas la ururshay  shakhsiyaad gaar ah  jeebkooda ku dhacday.

Aan  sii iftiimiyo  hadimooyinka laga galay shacabka ku dhaqan somalilaand. waxa la yidhi:  ‘‘ qufac iyo qosol midna lama qarin karo’’  waxa siddoo kale  dawladda Somaliland baajisey mashruc kale oo shirkado ingiriis ahi saliid iyo batrool kaga soo faaqi lahayen deeganada  bariga Somaliland . balse mar  kale waxa  hor  istaagtay Somaliland . waxay  xaqiijiyeen  ilo wareedyo  goob joog ahaa  in halka sartu ka qudhuntay ay tahay kaddib markii Somaliland laga codsaday in mashruuca lagu maalgeliyo  magaca  jamhuuriyada somaliya balse ay ku gacan saydheen.

Aayaha iyo masiirka dadka somiland waa midd haadaan kusii dhacay , geed baa hadlay oo yidhi : ‘‘ gudineey  imaad  goyseen, haddaan  badhkay kugu  jirin’’  hagardaamooyinkan kor ku xusan oo dhan  waa  midd shacabka Somaliland ka raalli yihiin . sababtoo ah waa ummadd  tasowday ushana  loo qaban waayey  , indheer-garadkiina ka seexday.

Nabadda iyo ray-raynta Somaliland ka jirtaa waa midd hambalyo  iyo bogaadin mudan  , balse  waxaan  hubaa in haddii  Somaliland ogalaan lahayd in mashruucyada ay ku qaatan hab  maamul gobolleed oo kale ay ka horumar  sanaan  lahayd dhul badan oo asaageed ah.

Arrinta kale cajiibka ah ee  ku  tusinaysa  hillowga dadka  reer  Somaliland u qabaan wax qabad waarra  ayaa ah in  xilliga la qeybinayo deeqaha waxbarasho ee  adduun  waynuhu  ugu  deeqo soomaliya ay ardayda  reer  Somaliland ee  dhammaysata waxbarashada dugsiyadda sarre lagaga qaddiyo sababo la xidhiidha in ay yihiin waxyaabo soomaaliya ay faraha kula jirto. Middaas oo keenta  in kala badh ardaydu ay badaha liibya iyo talyaaniga ku madhaan . inkastoo kooxo masuuliyiin isku sheega ay  soo  qaadaan wax ay ugu  yeedhaan  saamiga  ardayda  waqooyiga  haddana  waa la billiliqaysta.  Markaas  sheekadu  waxay ku dambeysaa  (hadduu sii go’ay).

Musuq-maasuqa  iyo  dulmiga  Somaliland dul-hoganaya waa  midda  sababtay cadhada eebbe. Taa  waxa  caddeyn  kara  abaaraha baahsan ee  ka dilaacay deeganada  miyiga , iyo ogaansha la’aanta  ka  haysata  ganacsatada  iyo  dawladda  Somaliland.  abaaraha ka  jira  meelaha qaar  ayaa dad iyo  duunyo  baabi’iyey. haddana  meelo kale  ayaa  laga soo sheegaya in dekedo cusub  laga hirgelinayo  middaas oo  ah kaaf  iyo  kala  dheeri. Waxa la yidhi :‘‘Oodo  dhacameed  siday  u kala horreeyaan  baa loo kala guraa’’

Guntii  iyo  gebogabadii  ‘‘ hadal Nin yidhi  ma wadda odhan’’  waxaan  ku  gubaabinaya madaxda iyo shacbiga waqooyiba in horumarka, kobcinta dhaqaalaha , caafimaadka  iyo waxbarahada oo kor  loo qaada ay  yihiin astaamaha ugu tunka weyn  ee  muujiya  dawladnimada. Kolkaas waxa qurux  badan haddii  aanay jirin dawlad  awood dhaqaale u leh inay shacabka u dhisto kaabayasha dhaqaalaha  sidda  maalgelin loo sameeyo  dadka raba in ganacsi  abuuran  iyo  farsameynta  billicda  waddanka , bilmatal in waddooyin  wanaagsan la dhiso ayaa  ah waxqabad  ay dawlad  dunida  laga aqoonsayahay oo keliyaata fullin karto. Haddiise Somaliland tabar u yeelan  weyday  taabo gelinta mashruucyadas  waxa la gudboon  in la aqbalo  saamiga  Soomaaliland ku leedahay  deeqaha caalamku  ugu  deeqo soomaaliya , siddoo kale waa  in dawladda somaliland bandowga ka qaado shacbigan dulman , unna  ogalaato inay walaalahooda kale ee soomaaliya wax la qeybsadaan.

Ugu  dambeyn , qodobka dhaliyey  arramida weyn  ayaa  ah kala fogaanshaha siyaasadeed  ee  u dhaxeeya  labada dhinac. Waxaan ku soo khatimi lahaa haddaan labada dhinacba waa (somaliland & Somalia)  aysan isu tanaasul  xilkasnimo ku dheehan  tahay isu  muujin. Dharaar  ba iman doonta haddaan Eebbahay  caymin  afku  hadalka  daayo. Dharaar  ba  iman  doonta Eegga  haddii aan shacabka loo  naxariisan ibtillo dhici  doonto.

Abdirahman  Abdillahi Aden

Author & horn of Africa Activist

Documentalist   and Academic researcher

Email. C_raxmaan2007@hotmail.com          MOBILE NO :  00251924854063.