Somaliland TV si qaldan oo dimuqraadiyada ka fog ayuu wax u wadaa, ee waa in uu wax ka bedelaa nidaamkiisa qaldan ee dictatorship ka ah

Horta runtii hore uma daawin jirin tviiga qaranka, marmar aan meelahaa dad daawanayo ku arko mooyee, laakiin sadex bilood ka hor ayaan u yara fiirsaday bal wuxuu soo daayo, iyo nidaamkiisa TVii ahaan.  Markaa koley sina waan ugu faraxsanaa, iminkana ugu faraxsanahay in wadankeenu uu tv yeesho oo dadka iyo degaanada kala duwan ee wadankeena layska warhayo, oo sidaa laysku barto waxa wadanka ka soconaya ee u baahnaa in dadka la horkeeno.

Hadaba ma sidii laga rabey mise siduu noqday iminka, horta runtii TV ahaan isagu farsamo ahaan iyo tayo ahaanba waa la arkaa inuu si fiican u soo hana qaaday, oo marba wax dheeraad ku soo darayo, sida akhbaarta oo English iyo Arabic lagu soo kordhiyey, shaqaale ku filan oo aay haystaan iyo technical capability reasonable ah, marka loo eego waxay haystaan ee qalab iyo farsamo ah.

Hadaba dhibaatadu waxay tahay SLNTV, mala jaanqaaday wixii loogu tala galay inuu qabto, oo ah inuu neutral medium noqdo in a democratic country;  Jawaabtu waay iska cadahay oo waa maya.  Hadaba maxaa qaldan TViiga Somaliland, waa mida koowaade, maaha TV u dhexdhexaada mucaaradka iyo muxaafadka, waxaaba la yaableh runtii kumaba arkaysid wax raad ah oo xisbiyada aan muxaafadka ahayni aay ku leeyihiin TViiga qaranka, sidaan u arkana waaba laga ilaaliya inay uba soo dhowaadaan.  Horta halkaa qalad aad u weyn ayaa ka dhacay, madaama wadanku amaba dawlada iminka jirtaa aay ku andacoonayso inay tahay wadan democratic ah, oo xaquuqal insaanka iyo xoriyatul qowlka saxaafada ku wanaagsan amaba ixtiraama.

Waxaa kaloo la yaab leh, markaad daawatid TViiga qaranka, waxaabuu u eekaaday kuwii wadamada shuuciga sida North Korea, iyo dawladii hore ee Siyaad Barre ee wadankan xukumi jirtey.  Bal hagee lagu arkay TV qaran shaqadooduba tahay inay soo daayaan dawlada iyo waxaay maalin walba qabtaan, oo aan wax kalaba lagu arkayn, oo aan ahayn cid amanaysa dawlada iyo madaxweynaha. Kaga darane waxay bilaabeen in sidii Siyaad Barre madaxweynaha heeso amaana loo sameeyo.  Runtii anigu ma garan dadka TViiga maamulaa qarniga aay ku abtirsadaan.

Waa ta labaade tayada programada ka soo baxaya TViiga qaranka waxna waay ka qaldan yihiin, waxna munaasaba maaha, waxaa ka qaldan waxaa ka mid ah, weli may fahmin time schedule amaba faaidada timeka and timing programadu u socdaan.  Taa waxaan uga jeedaa, bal horta waa inay fahmaan amaba ka faaideystaan wakhtiga amaba daqiiqadaha faraha badan ee aay ku luminayaan samaynta prograamada, oo metelan halkay 30 minutes wax aan macno lahayn ku sameeyaan, aay hadii si fiican loo qorsheyn lahaa, aay 5 minute ku samayn lahaayeen.   Waa mida labaade inay faraha ka qaadaan is xayaysiinta faraha badan ee TViigu isku hayaysiinayo isaga laftiisu, oo runtii ku badan TViiga markasta.

Waxaa kaloo haboon, bal in TViiga qaranku more commercial amaba productive uu noqdo, si uu income generated u noqdo, taasna waxaa lagu gaadhi karaa hadii xil laysaga saari lahaa qaybata advertisement business and news production to sell it to other world media.   Xitaa haday possible tahay in dadka TViigu guryahooda ugu jiro laga qaado TV license oo ilaa $2 dollar ah, oo markaa aanu u baahan lacag ka soo gasha dawlada.  Dhinaca kale waa inay faraha ka qaadaan  musalsalka bilaa macnaha ah ee aay ka soo daayaan TViiga, oo wax quality leh soo daayaan.  Waxaa kaloo xusid mudan amaba aay dad badani is weydiiyaan maxaa cartoonka saqda dhexe loo soo daayaa, ma meeshuun baa lagu buuxiyaa, koley arintaasina in laga fekero ayay u baahan tahay, ileyn wax ku buuxi uun sheekadu maahee.  Mida kale miyaanay habooneyn in TViiga laba xidho wixii ka danbeeya 12am habeenimo madaama aanu wax xiiso leh aanu soo deyn, dadka badidiisuna aay iskaba hurdaan, oo weliba aynu sidaa wadan Muslim ah  ku nahay oo dadku salaada subax u baahan yihiin inay u kacaan, amaba aan lagu mashquulin dadka sheeko TV saqda dhexe.

Tan kale, TViiga qaranku waaba very predictable, waayo  badiyaaba waxay soo daayaan waa dawlada oo meel  xadhig ka furtay ama dhagax dhigtay,  news aan tayo lahayn dibad iyo gudaba, heeso kacaana iyo waxyaabo kale oo iska maalaa yacni ah.  Taasi waxay ku tusaysaa in hadii TViiga maamulku ka xumaado aanay waxba hore uma marin, ee laakiin cakiska uun wax u socdaan.

Calaa ayul xaal waxaan soo jeedin lahaa, horta bal TViiga qaranku democratic ha noqdo isaga laftiisu, dhinaca shaqaalaynta dadka, oo badiyaaba TViiga qaranka garab iyo eexasho lagu shaqaalaysiiyo shaqaalaha, oo iminka in badanba laga cabanayey.   Waa ta labaade waa inay fahmaan inay ceeb ku tahay in wadan democratic isku sheegaya aanay cid kaleba u ogolaan in laga soo daayo TViiga qaranka, oo aay ka waantoobaan inay ahaadaan afhayeenka dawlada oo keliya.

Dhinaca kale, TViiga qaranku wuxuu u baahan yahay in news and programme sharing aay la samaystaan TViiyada wadamada kale, sida Al Jazeera, because Newsku sidiisaba waa selling and buying product, markaa at least hadaydaan news amaba programme soo iibsan Karin, bal idinku iib geeya whatever newsworthy you have.  You can’t tell me wadanka intaa leeg news kama samayn kartaan qiimo leh.  For example, hadaad news ka samayn lahaydeen ayaxii ka dilaacay wadanka dhowaan ee Hargeisa yimid amaba maalinta sanad guurada 18May, iwm.   waxaad u diri lahaydeen Al J azeera, BBC iyo kuwo kalaba, oo lacag baad ka samyn lahaydeen halkaa.  Xitaa BBC radio or voice of America or whatever radio out there.    Mida kale koley work placement ayay shaqaaluhu qaarkood u baahan yihiin in loogu diro wadamada dibada si aay u soo fahmaan waxna uga soo bartaan TViiyada aduuku siday u shaqeeyaan, khaasatan sida loo ameeyo news production, or editing technique and process, iwm.

Ta ugu danbeysa, ee uguna muhiimsan waxa weeye, waar bal xisbiyada mucaaradka iyo afkaar kale meesha keena, oo sheekadu yay noqon in policeka, cadaalada, iyo Tviigii qarankuba aay noqdaan qayb ka tirsan dawlada, oo markaa loo isticmaalo oo keliya cidii dawlada hadafkooda ka soo jeeda.  Runtii mararka qaarkood waxaan is idhaahdaa malaa kelmada mucaaradba yaan la isticmaalin, waayo negative connotations ayay xambaarsantahay, waxaa ka fiican inaynu isticmaalno opposition parties, bal si loo humanize gareeyo kelmadan mucaaradka, oo aanay dadku si negative ah u fahmin.  Wadanka Somaliland waa axsaab, qaar walbana waxaa support gareeya hundred thousand of people, markaa inan looba ogolaan inay ka soo baxaan TViigii qaranka, dee waaba yaab iyo la yaab.

Waxaan ku soo gaba gabaynayaa wadanka qofna qof kama xigo, dhamaanteena wanaag baynu la doonaynaa, laakiin sheekadu yay noqon marba xisbigii xukunka qabsata ayaa dictatorship wax u wadaya, dee ma soconayso arintaasi,  waayo waa inagu ceeba in TViigii qaranku iyo dawladuba u eekaado kuwii shuuciga iyo dictators lagu yiqiiney.   Suffice to say, Tviiga qaranku waa in hawshiisa iyo nidaamkiisa wax ka bedelaa sida ugu dhakhsaha badan.  Had iyo jeer sideedaba qof isleh wax hagaaji, ayaa meel daran wax ka tuura, waayo aqoontiisa iyo khibradiisa ayaan meel dheer wax ka eegeyn, oo isaga garaadkiisu wuxuu gaadhsiisanyahayba waa maanta maxaa ii dana, iyo madaxweynoow jago i sii aan kuu shaqeeyee, taasina waa waxa wadankeena rogaya iminka iyo mustaqbalkaba hadii aan laga waantoobin

 

 

Ali Dhinbiil

Ali.dh@hotmail.co.uk