Somaliland: Tirada Suxufiyiin lagu xidhay Hargeysa iyo Sababta

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliska Magaalada Hargeysa ayaa xabsiga u taxaabay Koox wariyeyaal ah oo ka howl-gelayey Telefishanka Eryal xaruntiisa Magaalada Hargeysa, xilli ay maanta war ka duubayeen goob uu ka socday Imtixaan laga qaaday Dad shaqaale loo qaadanayo, sida ay sheegeen dad goob-joogeyaal ah.

 

Suxufiyiintan oo kala ah Badri Kosar, Cabdiraxmaan Fantastic, Caydaruus Maxamed iyo sawirqaade Kamaal Cabdi ayaa isla markii la qabtayba loo dhaadhiciyey Saldhiga Ibraahim Kood-buur, halkaasoo lagu xidhay.

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Booliska iyo laamaha kale ee Dawladda oo la xidhiidha sababta loo xidhay suxufiyiintan, hase ahaatee Guddoomiyaha Telefishanka Eryal Aadan Caydiid Cabdi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howl-wadeenada la qabtay iyagoo ku gudo jira shaqo-maalmeedkoodii caadiga ahaa.

 

Waxa uu intaasi raaciyey in Maamulka Telefishanka iyo eheladoodaba loo diiday inay Saldhiga ku booqdaan Wariyeyaasha, wax dambi ah oo ay geysteena aanu jirin, laakiinse xadhiggoodu qayb ka yahay tacadiyada ay Dawladdu ku hayso warbaahinta.

 

Warar madaxbanaan oo ku saabsan xadhiga Wariyeyaashan ayaa sheegaya in ay war ka duubeen dhalinyaro kamida Shaqo-qaran oo ka cabanayey arrimo la xidhiidha Imtixaan loo gelayo shaqaale ay qaadanayso Shirkad Ajaanib ah.