SOMALILAND: Tirada Shaqaalaha Mushaharka laga joojiyey, kuwo baadhis lagu wado iyo Farqiga ka soo baxay Tirada Diiwaanka Shaqaalaha Dowladda Tirakoobka kaddib

Hargeysa (SLpost)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, ayaa maanta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Ku Wareejisay  1,252 Boosas shaqo oo la waayey dadkii Ku Mushaharka qaadanayay oo Hore Ugu Jiray Jadwalka Mushahar Bixinta, kaddib markii tira-koob lagu sameeyey shaqaale-weynaha dowladda.

GEELE_YUSSUFHay’adda Shaqaaluhu waxa kale oo ay halkaas ka shaacisay tirada guud ee Shaqaalaha dowladda ee sida rasmiga loo diiwaangeliyey, kana soo baxay shuruudihii looga baahnaa, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 14,057 qof.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Dowladda Sharmaarke Geelle oo ka hadlayey kulan dhexmaray wasiirka maaliyadda, waxa uu halkaas ka sheegay in tirada Guud ee Diiwaanka Shaqaalaha dowladda ku-mushaharka qaadan jiray tirakoobka ka hor ay ahayd 16,533 qof, isla markaana tiro dhan 2,476 qof oo baadhis iyo isku-shaandheyn lagu sameynayey muddooyinkii u dambeeyey laga soo dhex-saaray tirada boosaska shaqo ee dadkii ku qornaa la waayey.

“Waxa Maanta Wejigii 1-Aad Si Rasmi Ah Loo Joojiyay 1,252 Kaalmo Shaqo Oo Dadkii Ku Mushaharka Qaadanayay Lagu Soo Waayay Diiwaangelintii Dhawaan Ay Samaysay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu Kuwaas Oo Hore Ugu Jiray Jad-Walka Mushahar Bixinta…” sidaa waxa yidhi Guddoomiye Sharmarke Geelle.

“Waxaa raq iyo ruux loo soo waayey baadhid dheer kadib tiro dhan 1,252 halkaas oo  aanu maanta ku wareejinay magacdooda iyo darajooyinkooda Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda kuwaas oo   isla  saaka si rasmi ah loo joojiyey mushahar iyo gunno wixii u qornaa,” sidaas ayuu yidhi Mr Geelle.

Sida uu sheegay Guddoomiye Sharmaarke Geelle, Shaqaalaha kale ee dhiman oo tiradoodu  dhan tahay 1,224 ayaa iyagana maalmaha soo socda la-gudo gali doonaa hubintooda isla markaana go’aamo laga soo bixi doona. Shaqaalahan ayaa loo kala saaray sidan:

1- Dhimasho 172

2- Dhul-yaal: 132

3- Waxbarasho: 87

4- Fasax Caafimaad: 69

5- Dad maqnaa xiligii diiwaangelinta iyo kuwo dood magac ka qaldan u socoto kuwaas oo tiradoodu tahay 764.

“Maalmaha soo socda waxa aanu soo gudbin doonnaa inta tiradan dhab ka noqota iyo inta wajiga 2aad  iyagana laga tirtiri doono liiska mushahar qaadashada,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Sharmaarke.

Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Isla marka la dhameeyo wejiga ugu dambeeya ee kala shaandhaynta, waxa la soo saari donaa hannaanka hufan ee kaalmahaa shaqo loogu buuxin doono iyo fursadaha shaqo ee dhalinyarada dalku ka heli doonaan dib-u-habayntan halka shaqaalaaha dawladdana loo bilaabi doonno tayayn iyo horumarin.”

Dhinaciisa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaa Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa ku ammaanay hay’adda Shaqaalaha Dowladda natiijada ka soo baxday diiwaangelinta oo uu sheegay in guul laga gaadhay, waxaanu xusay xusay inay si degdeg ah uga saari doonaaan liiska mushahar bixinta tirada dadka loo gudbiyey.