Somaliland: Tirada Kiisaska iyo Dadka u dhintay Cudurka Covid-19 oo Korodhay iyo Xogtii u dambaysay

 

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa xaqiijiyey Saddex kiis oo cusub oo laga helay Cudurka Covid-19, kuwaas oo uu ku jiro hal Qof maanta u geeriyooday xannuunkan.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo maanta saxaafadda kula hadlay Kulanka maalinlaha ah ee xogta xannuunka, Waxa uu sheegay in qofkii labaad uu gudaha Somaliland ugu geeriyooday cudurka Covid-19, gaar ahaan magaalada Hargeysa. Qofka 1aad ayaa todobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Boorama.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxa kale oo uu sheegay inay korodhay tirada dadka la karantiilay ee looga shakiyey caabuqa Coronavirus, iyadoo tirada dadka haatan karantiinka ku jira yihiin Lix iyo Toban Qof.

Waxa uu Agaasimaha Guud sheegay in Saddexda qof ee kusoo kordhay kiisaska laga helay Fayraska Covid-19 lagu baadhay mashiinka Sheybaadhka Xannuunkan oo ay dhawaan dalka keentay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, kaas oo ku-shaqayntiisa si toos loo bilaabay, kaddib cillad-farsamo oo ku timi markii dalka la keenay.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Agaasimaha Guud

 

 

Guud ahaan Somaliland, kiisaska la xaqiijiyey, ayaa haatan maraya 12 Qof oo badankoodu ku nool yihiin magaalada Hargeysa, waxaana xannuunka ka bogasaday 3 qof, sida ku xusan website u gaar ah xogta Cudurka Covid-19 ee Somaliland oo dhawaan ay hirgeliyeen ardayda wax ka barata kuliyadda IT-ga ee Jaamacadda AbaarsoTech, kaas oo lagu wareejiyey Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net