Somaliland: Tirada Kiisaska Coronavirus oo Kor u dhaaftay 200 Qof iyo Dhimashada oo Korodhay

 

Hargeysa (SLpost)- Tirada dadka laga helay xannuunka Covid-19 ee Somaliland, ayaa kor u dhaaftay 200 qof, kaddib markii baadhitaan caafimaad oo wasaaradda Caafimaadku samaysay lagu xaqiijiyey 35 kiis oo cusub oo xannuunkan ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo maanta warbaahinta la wadaagay warbixinta maalinlaha ah ee Cudurka Covid-19, ayaa sheegay in 24-kii saacadood ee u dambeeye 90 qof oo baadhintaan lagu sameeyey 35 ka mid ah laga helay Caabuqa Coronavirus ee dhaliya cudurka Covid-19.

Dr Xergeeye waxa uu sheegay in tiradan cusub ee la xaqiijiyey ay ka dhigayso wadarta guud 203 qof guud ahaan Somaliland iyo hal qof oo xannuunka u geeriyooday 24-kii saac ee u dambaysay, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa 15 qof.

Ma jiraan dad xannuunku soo ritay oo xaaladdooda caafimaad laga deyriyey, sida warbixinta wasaaradda ku xusan, haseyeeshee, waxa xannuunka ka soo kabtay 19 qof oo ka mid ah tirada Guud ee Dadka xannuunka laga helay, halka 15 qof u dhinteen, taas oo tirada kiisaska xaaladdoodu taagan tahay (Active Cases) ka dhigaysa 169 Qof.

Sida ku xusan Warbixinta Wasaaradda, Dadka baadhitaanka lagu sameeyey oo markii ay isku arkeen ama isaga shakiyeen astaamaha xannuunka iska xaadiriyey cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa ah 921 Qof oo 203 laga helay xannuunka, taas oo cel-celis ahaan noqonaysa in Boqolkiiba 22% dadka baadhitaanka lagu sameeyey xannuunka laga helay.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net