Somaliland: Tirada Kiisaska Conoravirus oo Korodhay iyo Xogta Xaaladihii u dambeeyey

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa shaacisay in 8 Qof oo cusub oo laga helay Caabuqa Coronavirus ee uu ka dhasho Cudurka Covid-19 kaddib baadhitaano 24-kii saac ee u dambeysay laga sameeyey dalka.

Dadka Xannuunka laga helay oo dhammaantood ah muwaadiniin u dhashay Somaliland, ayaa kala ah Shan Rag ah iyo Afar Dumar ah oo da’doodu u dhaxayso 20-jir ilaa 60-jir, waxaanay tirada Guud ee dadka xannuunka laga helay gudaha dalka ka dhigaysa 225 Qof.

Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Maxamed Abdi Xergeeye oo warbixinta maalinlaha ah ee xaaladaha xanuunka la wadaaga Warbaahinta, ayaa sheegay in Dadkan oo isaga shakisanaa xannuunka ay Dhakhaatiirtu baadhitaanka ku sameeyeen kaddib markii ay yimaaddeen cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Ma jirto Cid u dhimatay xannuunka oo maant la soo weriyey, balse tirada guud ee dhimashada ayaa maraysa 17 qof. Waxa uu Agaasimuhu warbixintiisa ku xusay inay xannuunka ka bogsadeen Laba qof, taas oo tirada guud ee dadka xannuunka ka bogsaday ka dhigaysa 23 qof.

Tirada Guud ee dadka ilaa immika laga baadhay ayaa maraysa 1003 qof oo 225 ka mid ah laga helay, taas ka dhigan in boqolkiiba 22.4% dadka la baadhay laga helay xannuunka.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net