Somaliland: Tirada Dadka laga helay Cudurka Covid-19 & Kuwa u dhintay oo Korodhay iyo Xogo Dheeraad ah

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa maanta shaacisay Kiisas cusub caabuqa Coronavirus ah oo laga helay muwaadiniin intooda badani ku nool yihiin magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Warbixinta maalinlaha ah ee Xaaladda Xannuunka la wadaagay warbaahinta, waxa uu sheegay in baadhitaanno ay hawl-wadeennada Caafimaadku ku sameeyeen 110 Qof oo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa u tagay in laga baadho cudurka oo ay isaga shakiyeen laga helay 29 ka mid ah oo isugu jira 23 haween ah iyo Lix haween ah.

Agaasimaha Guud waxa u sheegay in 24 Qof oo ka mid ah Dadkaasi ku nool yihiin Magaalada Hargeysa, halka 5-ta kalena ay deggan yihiin Magaalada Burco. Dadkan ayaa da’doodu u dhaxaysaa 20-jir ilaa 90 jir. Waxa kale oo Agaasimuhu sheegay in Shan Qof ka bogsadeen Xannuunka.

Agaasime Xergeeye waxa kale oo uu Shirkiisa jaraa’id ku sheegay in hal Qof oo Dumar ah magaalada Hargeysa ugu geeriyootay Xanuunka Covid-19, taas oo tirada Dadka Xanuunku u dhintay ka dhigaysa 19 Qof.

Guud ahaan Dalka Somaliland, tirada dadka laga helay Cudurka Covid-19, ayaa gaadhay 286 qof oo 33 ka mid ahi ka bogsadeen xannuunka.

Tirada Guud ee dadka goobaha Caafimaadka u tagay baadhitaanka Xannuunka ayaa ah 1192 Qof oo 286 ka mid ahi laga helay, taas oo cel-celis ahaan noqonaysa in Boqolkiiba 24% dadka la baadhay laga helay xannuunka.

Tiradan ayaa muujinaysa inuu jiro Kor-u-kac ku yimi tirada kiisaska Cusub ee caabuqa Coronavirus marka loo eego tirada dadka la baadhayo iyo inta xannuunka laga helayo, iyadoo warbixinihii laga soo saarayey todobaadkii u dambeeyey ay tirada boqolleyda ee dadka la baadhay iyo kuwa laga helay maraysay 23.5% cel-celis ahaan.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net