Somaliland: Tirada Dadka laga helay Cudurka Covid-19 iyo Kuwa Dhintay oo Korodhay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa maanta oo Khamiis ah shaacisay in 32 Qof oo cusub laga helay Xanuunka Covid-19, taas oo tirada guud ee dadka xannuunka laga helay ka dhigaysa 257 qof.

Wasaaradda Caafimaadku waxa kale oo ay sheegtay in hal Qof oo kale uu u Geeriyooday Xanuunka Covid-19, taasina waxay Tirada Dadka Xanuunkaa ugu Geeriyooday Somaliland ka dhigaysaa 18 Qof.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo warbixinta maalinlaha ah ee xaaladda cudurkan la wadaagay Warbaahinta, waxa uu sheegay in Dadka Xanuunka laga helay Da’doodu u dhaxayso 19-jir ilaa 89-Jir.

Waxa uu Agaasimuhu sheegay in Shan Qof ka bogsadeen Xannuunka Covid-19, waxaanay tirada guud ee ka soo kabatay cudurka noqonaysaa 28 Qof.

Tirada Guud ee dadka xannuunka isaga shakiyey ee baadhitaanka caafimaad u tagay cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa hadda maraysa 1083 Qof guud ahaan dalka.

Guud ahaan Somaliland waxa yaalla oo laga hawl-galiyey hal mishiin oo ah nooca lagu baadho xannuunkan, kaas oo hay’adda Caafimaadka Adduunku ugu deeqday dowladda Somaliland.

Warkan oo Faahfaahsan ka Daawo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net