SOMALILAND: Tirada Codbixiyeyaasha Degmooyinka iyo Gobollada dalka ee Doorashada Madaxtooyada 26 June 2010

Halkan waxa aanu ugu gudbinaynaa tirada codbixiyayaasha dorashada Somaliland ee gobol iyo degmo kastaa ka helay natiijada Komishanka Doorashooyinku soo saaray ee dadweynaha codkooda ka dhiiban doona doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto Sabtida toddobaadkan soo socda.
Xogtan oo u shaxaysan gobol gobol iyo degmo ee dalka oo dhan, isla markaana salka ku haysa natiijada ka soo baxday dadka qaatay kaadhadhka cusub ee codkooda ka dhiiban doona doorashada, ayaa waxa ka muuqda farqi u dhexeeya natiijadii diiwaangelintii codbixiyayaasha ee hore u kala heleen gobolladu.
Natiijada rasmiga ah ee codbixiyayaasha ka qaybgeli doona doorashada Madaxtooyada Somaliland oo u kala shaxaysan lixda gobol ee dalka iyo degmooyinka hoos yimaada, waxay u dhigan tahay sidan:

Gobolka Maroodi-jeex

Hargeysa = 231,875 (laba boqol iyo kow iyo soddon kun, siddeed boqol iyo shan iyo toddobaatan)
Gabiley = 87,357 (toddoba iyo siddeetan kun, saddex boqol iyo toddoba iyo konton)
Balligubadle = 18,720 (siddeed iyo toban kun, toddoba boqol iyo labaatan)
Sallaxlay = 23,547 (saddex iyo labaatan kun, shan boqol iyo toddoba iyo afartan)

Isugayn: 361,499 (saddex boqol iyo kow iyo lixdan kun, afar boqol iyo sagaal iyo sagaashan).
Gobolka Togdheer

Burco = 178,612 (boqol iyo toddoba iyo siddeetan kun, lix boqol iyo laba iyo toban)
Buhodle = 15,511 (shan iyo toban kun, shan boqol iyo kow iyo toban)
Oodweyne  = 49,097 (sagaal iyo afartan kun iyo toddoba iyo sagaashan) .

Isugayn: 243,220 (laba boqol iyo saddex iyo afartan kun, laba boqol iyo labaatan)
Gobolka Awdal 

Baki = 24,772 (afar iyo labaatan kun, toddoba boqol iyo laba iyo toddobaatan)
Lughaya = 12,894 (laba iyo toban kun, siddeed boqol iyo afar iyo sagaashan)
Saylac = 26,070 (lix iyo labaatan kun iyo toddobaatan)
Boorama = 113180 (boqol iyo saddex iyo toban kun, boqol iyo siddeetan)

Isugayn: 176,916 (boqol iyo lix iyo toddobaatan kun, sagaal boqol iyo lix iyo toban kun).

Gobolka SOOL

Caynaba = 49,923 (sagaal iyo afartan kun, sagaal boqol iyo saddex iyo labaatan)
Lascanod = 43,050 (saddex iyo afartan kun iyo konton)
Xudun = 5,340 (shan kun, saddex boqol iyo afartan)

Isugayn: 98,313 (siddeed iyo sagaashan kun, saddex boqol iyo saddex iyo toban)
 Gobolka Sanaag 

Badhan = 8,350 (siddeed kun, saddex boqol iyo konton)
Celafweyn  = 34,916 (afar iyo soddon kun, sagaal boqol iyo lix iyo toban)
Ceerigaabo = 74,462 (afar iyo toddobaatan kun, afar boqol iyo laba iyo lixdan)
Dhahar = 7,791 (toddoba kun, toddoba qobol iyo kow iyo sagaashan)
Gar-adag = 20,850 (labaatan kun, siddeed boqol iyo konton)

Isugayn: 146,369 (boqol iyo lix iyo afartan kun, saddex boqol iyo sagaal iyo lixdan).
Gobolka Saaxil

Berbera = 30,958 (soddon kun, sagaal boqol iyo siddeed iyo kotan)
Sheekh = 12,138 (laba iyo toban kun, boqol iyo siddeed iyo sodon)

Isugayn: 43096 (saddex iyo afartan kun iyo lix iyo sagaashan) .