Somaliland: Taliyaha Cusub ee Booliska oo Xilka la wareegay iyo Ballan-qaad uu sameeyey

 

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.

Taliye Daba-gale ayaa todobaadkii hore xilka loo magacaabay, kaddib markii uu bilowgii Bishan geeriyooday Taliyihii hore AHN Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Munaasibadda uu taliyuhu xilka kula wareegay oo ku qabsoontay Xarunta Taliska Booliska, waxa ka qayb-galay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska iyo Marti-sharaf kale.

Taliyaha oo Munaasibadda ka hadlay, waxa uu ballan-qaaday inuu ku shaqayn doono, muhiimaddana siin doono hirgelinta sharciga oo wax walba laga horaysiin doono.

Faahfaahinta Warkan ka daawo Muuqaalka Hoose