Somaliland: Suxufi Sagaal Saacadood U Xidhnaa Sawir Uu Qaaday

[H]argeysa (SLpost) – Suxufi ka tirsan Wargeyska Saxafi ayaa maanta muddo sagaal saacadood ah ugu xidhnaa xarunta Laanta Dambi-Baadhista Bileyska (CID) ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu Sawir ka qaaday saddexda masuul ee u xidhan raashin la leexsaday kuwaas oo maanta dacwadooda lagu dhegaysanayay Maxkamadda gobolka Hargeysa.

Cabdifataax Maxamuud Caydiid, oo ah Guddoomiyaha Shabakadda Warbaahinta ee Saxafi Media Network, ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii Taliyaha Laanta Baadhista Dambiyada ee Bileysku amar ku bixiyay in la qabto, isagoo Suxufigaasi Mobile-ka gacanta ku sawiray saddexda masuul oo wakhtigii nasashada fadhigii maanta lagu dhegaysanayey dacwadooda dibadda u soo baxaya, iyadoo bileysku si aad ah ammaanka u adkeeya isla markaana Saxaafadda dibadda ka dhiga fadhiyada lagu dhegaysanayo dacwada masuuliyiintaas.

Suxufigan ayaa markii uu sawirka qaaday waxa mobile-ka ka dhuftay mid ka mid ah Saraakiisha Bileyska ee Maxkamadda gobolka Hargeysa ku sugnaa, kadib Taliyaha CID-da oo goobta joogay u gacan geliyay Mobile-ka, isagoo Taliyuhuna amar ku siiyay askartiisii inay kexeeyaan Suxufigaas, waxaana abaaro 11: 00 Subaxnimo  loogu qaaday xarunta CID-da gaadhiga taliyaha, halkaas oo uu ku xidhnaa ilaa 8:00 fiidnimo ee caawa.

Suxufigan ayaa la soo daayay kadib markii dedaal ay u galeen soo dayntiisa ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxaanay madaxda Bileysku shuruud uga dhigeen siideynta Suxufigan in Mobile-kiisa uu ka masaxo sawirka uu Maxkamadda horteeda kaga qaaday saddexda masuul ee dacwadooda la dhegaysanayey kuwaas oo kala ah Agaasimihii Guud ee hore ee Dib-u-dejinta Somaliland, Axmed Cilmi Barre, Badhasaabkii hore ee gobolka Hargeysa, Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji) iyo La-Taliyihii hore ee Madaxweyne ku-xigeenka, Cismaan Siciid Jaamac.

Maaha markii ugu horeysay ee xadhig noocan oo kale ah lagula kaco Suxufiyiinta reer Somaliland sannadkan gudihiisa, balse sida lagu sheegay warbixin uu horraantii bishan soo saaray ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, afartii bilood ee ugu horeeyay sannadkan waxay xukuumadda Somaliland xabsiga dhigtay in ka badan konton Suxufi, iyadoo markii ugu horeysay taariikhda Somaliland xabsiga loo taxaabay Haween Suxufiyiin ah, halka markii ugu horeysay taariikhda Somaliland Suxufi lagu jidh-dilay xabsi gudihii, kaas oo xaaladiisu halis gashay dalka dibadiisana loo qaaday si looga soo daweeyo dhaawac-yadii ka soo gaadhay jidh-dilkaas.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net