SOMALILAND: Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga oo ku baaqay in la joojiyo Wada-hadallada Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada-tashiga, ayaa ku baaqay in gebi ahaanba la joojiyo wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo muddooyinkii u dambeeyey hakad galay, iyagoo taas oo sababeeyey inaanay dan ugu jirin shacabka iyo dalka maadaama oo sida ay sheegeen ay dawladda Soomaaliya burisay shuruudo laysku af-gartay oo labada dhinacba wada-saxeexeen.

Siyaasiyiinta oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa ay sheegeen inaanay jirin natiijo wax-ku-ool ah oo ka dhalan karta wada-hadallada, maadaama aanay labada dhinac isla waafaqsanayn kuna kala aragti duwan yihiin ujeeddooyinka wada-xaajoodyada.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE.

https://youtu.be/9FpxjQyRwW4