Somaliland: Siyaasiyiinta Beelaha Harti oo Baaq iyo go’aamo Aayo-ka-tashigooda ah soo saaray

Hargeysa (SLpost)- Kulan ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda Beelaha Harti ayaa laga soo saaray qodobo xaasaasi ah oo loogu baaqay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Kulankan oo uu goob-joog ka ahaa Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Siyaasiyiin kale oo ay qaarkood xilal uga soo qabteen Xukuumadda, sida Axmed Xaaji Cali Cadami oo ah siyaasi ruug-cadaadi ah, ayaa nuxurka ujeedkiisu ahaa wada-tashi dhex mara Beelaha Harti ee Somaliland.

 

Shirkan ayaa laga soo jeediyey inay Xukuumaddu fuliso Heshiiskii ay Dawladdu kula gashay Khaatumo Magaalada Caynaba 2017-dii iyo inay Xukuumaddu si toosa u waajahdo wax ka qabashada tabashada Beelahaasi.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE