SOMALILAND: Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo Mar kale Heshiiyey!! (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta kulan laab-xaadhasho ah qasriga Madaxtooyada ku dhex-maray Garabyada xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo u kala qaybsan Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee uu horjoogaha u yahay Muuse Biixi Cabdi iyo garabka xukuumadda oo madaxweyne Siilaano madax u yahay.

DSC_0098Kulankan maanta dhex-maray xukuumadda iyo hoggaanka Kulmiye oo daba-socda dhex-dhexaadin Golaha Guurtidu isku-soo horfadhiiyey bishii lixaad ee sannadkan, ayaa labada dhinacba ku ku shaaciyeen isu-tanaasul dhinac walba ah iyo inay ka heshiiyeen xurguf-siyaasadeed oo ka bilaabantay loolanka hoggaanka xisbiga Kulmiye iyo murashaxnimada madaxweynaha oo ay isku maan-dhaafeen madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo si rasmi ah u shaaciyey inuu u taagan yahay murashaxnimada madaxweynaha ee gudaha xisbiga Kulmiye, arrintaas oo sababtay khilaaf ba’an oo ka dhex-dillaacay xisbiga gudihiisa.

DSC_0101Kulanka maanta madaxtooyada ku dhexmaray hoggaanka Kulmiye iyo garabka xisbiga ee Xukuumadda, waxa goob-joog ka ahaa madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo dhammaan golaha Wasiirrada, waxaana dhinaca goob-joog ka ahaa ahaa guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka laab-xaadhashada ah ee dhexmaray Siilaanyo iyo Muuse Biixi, ayaa lagu shaaciyey shirka golaha Wasiirrada ee maanta oo Guddoomiyaha Kulmiye lagu marti-qaaday.

DSC_0086“Waxa sharaf inoo ah in guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi uu inala joogo maanta halkan. Waxaan jecelahay inaan idiin sheego inaan guddoomiyaha xisbiga Kulmiye wada heshiinnay, waxa loo baahan yahay inaanu si niyadsami leh u wada-shaqayno xisbi iyo xukuumad ahaanba. Waxaanu ku wada-heshiinnay oo kuwada shaqaynaynaa go’aamadii golaha guurtida ka soo saareen khilaafkii xisbiga. Waxaanu u baahannahay inaanu isku-duubni iyo isku-tiirsanaan xisbi iyo xukuumadba aanu muujinno,” Sidaas waxa yidhi madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayey heshiiska dhexmaray Guddoomiyaha Kulmiye oo lagu dhex-shaaciyey Shirkii golaha wasiirrada maanta.

DSC_0053Dhinaca kale, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay nooca heshiiska lagu soo afjaray khilaafka Kulmiye, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Farriinta aan idiin hayaa waa intaas madaxweynuhu idiin sheegay. Xisbiga waxa soo maray loolan siyaasadeed ayuu galay, marka la loolamo xajiin baa ka dhalata, xanafbaa ka dhalata, waxa loo baahan yahay in xisbigii Xanaftii laga saaro oo laysku soo dhaweeyo,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo farriinta uu jeedinayey u muuqatay mid aanu raalli ka ahayn, isaga oo cannaan dusha ka saaray xubnihii golaha wasiirrada oo madasha fadhiyey oo uu u sibir-saaray inay masuul ka ahaayeen khilaafkii xisbiga gudihiisa ka jiray.

DSC_0094Waxa kale oo madasha ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Samaale oo ah siyaasi xurguf siyaasadeed loolanka hoggaanka Kulmiye ku dhexmaray Muuse Biixi, isaga oo hoggaaminayey isla markaana dabada ka riixayey garabka xukuumadda ee ka soo horjeeday Guddoomiye Muuse oo loollan siyaasadeed ku dhexmaray hanashada guddoomiyaha Xisbiga.

Wasiir Samaale waxa uu Madaxweynaha hortiisa ka ballan-qaaday inuu shakhsi ahaan iyo gole wasiir ahaan si rasmiya u barbar taagan yihiin iska markaana Muuse Biixi kula shaqaynayaan Guddoomiyenimada xisbiga Kulmiye, isaga oo dhinaca kalena ku ammaanay Muuse Biixi soo afjarista khilaafka uu qaybta ka ahaa ee labada garab u kala qaybiyey Xisbiga Kulmiye.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net