Somaliland: Shax lagu soo bandhigay Saamiga Gobol Kastaa ka helay Deeq Waxbarasho oo Dalka dibaddiisa ah

Hargeysa (SLpost)- Kal-fadhigii 23-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga halday Qodobbo ku saabsan arrimaha amniga, waxbarashada iyo macdanta & tamarta.

3Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayliska oo shirkaas warbixin ka jeediyey ayaa faahfaahin ka bixiyey  deeqd waxbarasho oo ay wasaaraddu ka heshay dalka Itoobiya, waxaanu sheegay wasiirku inay ku qaybiyeen si caddaalad ah, ayna u eegeen sida Iskuulada dalka ay ardaydu uga soo kala baxday, isagoo xusay in gobolada qaar ay yarayd saamiga ay ka heleen deeqda maadaama ay yaraayeen ardayda ka soo baxday dugsiyada sare ee goboladaasi, balse ay u sameeyeen inay gobolada kale ay ka kaabaan oo ay u kordhiyaan tirada ardayda deeqda waxbarashada heshay.

Wasiirku waxa uu halkaas ku soo bandhigay shax muujinayso boqolleyda ay gobollada dalku ka kala heleen deeqda waxbarasho.