Somaliland: Sharci loo samaynayo Xawaaladaha dalka oo lagu soo bandhigay kulan ballaadhan oo madaxda dawladda, Baanka Adduunka iyo masuuliyiinta shirkadaha

Hargeysa (SLpost)- Bangiga Dhexe ee Somaliland, ayaa soo diyaariyey xeer lagu dhaqayo xawaaladaha lacagaha la isugu diro ee dalka ka shaqeeya, kaasoo barlamaanka loo gudbin doono.

Kulan lagu soo bandhigay xeerka cusub oo uu soo qabanqaabiyey Bangiga Dhexe ee Somaliland oo lagu qabtay caasimadda Hargeysa, waxa si faahfaahsan loogaga hadlay sida looga hortagi karo dembiyada maaliyadeed ee xawaaladaha ka dhaca, sidoo kalena wax looga qaban lahaa si caalamku u aamino nidaamka is-waydaarsiga lacagaha xawaaladaha dalka.

xaflada-xeerka-xawaKulankan oo ay ka qaybgaleen Madaxweyne-ku-xigeenka, wasiirrada Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Bangiga, masuuliyiinta xawaaladaha dalka iyo madax Baanka Adduunka ka tirsan, waxa kaloo lagu soo qaaday muhiimadda xaawaladuhu u leeyihiin horumarka Somaliland iyo baahida loo qabo in shuruuc loo sameeyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in dambiyada maaliyadeed ee xawaaladaha ka dhashaa hoos u dhigi karo sharciga iyo kaadhka dhalashada muwaaddiniinta Somaliland dhawaan loo samayn doono.

“Taysarada amma kaadhka dhalashada iyo faa’iidooyinka uu leeyahay inuu kataroolo amma lagu ogaado amma dunida aynnu ku qancinno siday lacagtu inoo soo gasho, cidda keenta iyo cidda aynnu u gudbinno iyo haddii beri ka maalin la iswaydiiyo lacagtaas yaa qaatay sida loo ogaan karo, waxana naqayb weyn ka qaadanaya kaadhka jinsiyadda,” ayuuu yidhi Md. Cali Warancadde.

Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasis Maxamed Samaale, ayaa xusay in xawaaladuhu qayb laxaadle ka qaataan nolosha iyo dhaqalaha shacabka Somaliland, sidaa awgeedna loo baahan yahay in la helo shuruuc lagu dhaqo, waxaannu yidhi; “Xaawaaladuhu waxay guud ahaan nolosha dadkeenna kaga jiraan dhinac dhaqaale iyo dhan maaliyadeed dhan kastaba, run ahaantiinna waa arrin weyn xawaaladuhu waxay qayb weyn ka qataan nolosha kala duwan ee dadkeena. Waxay qayb weyn ka qaataan dhaqaalaha dalkeenna iyo sidii dalkani lacag adag u heli lahaa.”

ka-qaybgalayaasha-xafladaMadaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo kulankaas ka hadlay, ayaa tilmaamay inay waqtigan xawaaladaha haystaan dhibaatooyin waaweyn oo baahan yahay in wax laga qabto, loona muujiyo halka lacagta xawaaladuhu tagaan iyo cidda la siiyo, “Kaalinta qurba-jooggo kaga jiraan nolol-maalmeedkeenna waxay saamaxday in xawaaladaha lacag la soo mariyo, haddii aanay jirinna waxaynnu ku qasbanaan lahayn inaynnu had iyo jeer gurmad iyo gargaar caalami ah waydiisanno adduunyada, laakiin waxa inoo fududeeyey xawaaladaha.”

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu carrabka ku dhuftay in shirkadaha xawaaladuhu u baahan yihiin inay iskaashi la sameeyaan bangiyada caalamka, “Shirkadaha lacagaha ina soo gaadhsiiyaa waxay u baahan yihiin adeeg iyo iskaashi bangiyada caalamka ah. Sidaynnu ka war qabnanno waxa baryahan socda in baananku ka xidhaan xisaabaha amma akawnada ay ku lahaayeen shirkadaha Soomaalida ee caalamka ka soo xawila lacagaha dalal badan oo caalamka ka mid ah, taasina waxay ka dhigan tahay xididada nolosha oo la gooyo, cawaaqib xumo badanna way ka dhalanaysaa, waxaanay keenaysaa dhaqaale burbur, dayac, dib-u-dhac dhaqaale iyo wax sharciga baalmarsan oo saameeya ummadda Somaliland oo keliya,” ayuu yidhi Md. Saylici.

Guddoomiyaha Baanka Somaliland Md.Cabdi Dirir Cabdi, ayaa xusay in xeerkan loo gudbin doono barlamaanka, laguna dhaqayo xawaaladaha dalka ee ka shaqeeya lacagaha, wax badanna ka tari doono dhibaatooyinka lacagaha la xawilo ka dhasha.

Guddoomiyaha Shirkadda Xawaaladaha ee Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa soo dhoweeyey xeerkan, isagoo ku baaqay in si fiican looga fiirsado oo la isla wada eego ka hor inta aannu dhaqan-gelin.

“Sharcigu waa muhiim. Meelo badan oo caalamka ah oo aannu ka shaqaynnay sharciyo waddamadaasi dhigeen baa jira, aadna waannu ugu faraxsannahay in maanta (shalay) shirka lagaga hadlay sidii sharciga loo gaadhsiin laha barlamaanka oo runtii u baahan in aad looga fiirsado, laakiin annagu wax allaale wixii sharciga ilaalinaya aad baannu diyaar ugu nahay haddii aannu nahay shirkadaha lacagta ka shaqaysta amma dibadda ka keena, waanuna soo dhawaynaynaa.

Hawsha dawladdu waddo iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah sida Baanka Adduunka. Xeerku maalin walba wuu is-beddelaa, arrintanna maaha wax nagu cusub mar haddii aannu caalamka ka shaqaynno, waanuna soo dhawaynaynaa in dawladdu arrintan wax ka qabanayso iyo hay’adaha caalamiga ah ee arrimahan iska kaashanaya.

“Wax allaale wixii ummadda u muhiim ah annagana waa noo muhiim, sida shirka lagaga dhawaaqayna lacagaha dibadda laga keena halka ay dhaaqalaha dalka kaga jirto waad arkayseen, wasiirradii hadlay iyo dadkii kale ee duwanna way muujiyeen lacagahaasi doorka ay dhaqaalaha dalka ka ciyaaraan,” ayuu yidhi Mr. Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid.

SOMALILANDPOSTNET