Somaliland: Shaqaalaha Rayidka ah iyo Kuwa Ajinabiga ah ee Ka Hawl-gala dalka oo Markii u horreysay Tirakoob lagu samaynayo

Maxamed GalaydhHargeysa (SLpost)- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ayaa markii u horaysay shaaca ka qaaday inay bilaabayso diiwaangelinta shaqaalaha Waddaniga ah iyo kuwa ajnabiga ah ee ka hawlgala goobaha shaqo dalka.

Sida lagu sheegay Wasaaraddu qorshahan ku shaacisay, waxa ujeeddada diiwaangelinta Shaqaalaha kala duwan ee ka hawl-gala dalka lagu tilmaamay mid lagu ogaanayo tirada rasmiga ah ee Shaqaalaha ka hawl-gala Shirkadaha, Hay’adaha iyo Goobaha Shaqo ee gaarka loo leeyahay.

Qoraalkan oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Maxamed Muuse X. Cabdi (Galeydh), ayaa lagu sheegay in qorshahan lagu ogaanayo shaqaalaha waddaniga ah iyo kuwa Ajanabiga ah ee ka hawlgala goobaha shaqo ee gaarka loo leeyahay sida shaqaalaha ka hawl gala shirkadaha ganacsiga, wershadaha, hudheelado, cusbitaalada, goobaha waxbarashada ee gaarka loo leeyahay hay’adaha samofalka, kuwa Qaramada Midoobay, Hay’adaha caalamiga ah iyo Ururrada waddaniga ah.

Waxa kale oo qoraalkaasi lagu sheegay in talaabadani ay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada u sahli doonto in la helo xogta dhabta ah ee ku saabsan xaaladda guud ee shaqaalaha rayidka ee dalka. Waxa kale oo qoraalkaasi lagu xusay in arrintani ay bar-bilaw u noqonaysa in la qiyaasi karo heerka ay taagan tahay shaqo la’aanta iyo shaqo-abuurka dalka si loo qaado talaabada ku haboon.

Inkasta oo aan qoraalkan ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada lagu xusin wakhtiga sida rasmiga ah loo bilaabayo diiwaangelinta shaqaalaha ka hawlgala dhamaanba goobaha shaqo ee dalka, ayaa haddana waxa lagu wargeliyay dhamaan loo shaqeeyeyaasha goobaha shaqo ee dalka sida wershadaha, shirkadaha kuwa isgaadhsiinta, xawaaladaha, hudheelada, cusbitaalada, goobaha waxbarasho ee gaarka loo leeyaay sida dugsiyada, jaamacadaha iyo dhamaanba hay’adaha samofalka ee caalmiga ah iyo kuwa wadaniga ahba inay sida ugu dhakhsaha badan uga diiwaangeliyaan shaqaalahooda waddaniga ah iyo kuwa ajnabiga ahba wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Diiwaangelintan lagu samaynayo shaqaalaha wadaniga iyo kuwa ajnabiga ah ee ka hawlgala goobaha shaqo ee gaarka loo leeyahay ee dalka ayay wasaaraddu u cuskatay sida uu qeexayo xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland xeer Lambar 31/2004: qodobadiisa (3-(2-2.1) kaasi oo sheegaya maadaama oo ay Somaliland tahay dal xor ah isla markaana leh shuruuc xeer, nidaam iyo kala danbayn ku saabsan shaqaalaynta muwaadiniinta iyo ajnabiga marka loo baahdo.

Ugu danbayntii qoraalkaasi ay soo saartay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu ayay ku wargalinay dhamaanba hay’adaha kala duwan ee uu qoraalku sida tooska ah ugu socdo inay u fududeeyaan kormeerayaasha si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Qorshahan ay shaacisay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu, ayaa qayb ka ah hawl-gal ay qiimayn iyo go’aamo dhaxal-gal ah ugu raadinayaan guddi Wasiirro ah oo madaxweyne Siilaanyo dhawaan u magacaabay U kuur-galidda waxyaabaha horseedka u ah Aafooyinka Shaqo la’aanta iyo Tahriibka Dhalinyarada, kuwaas oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo cambaareyn xoog leh kala kulanto qaybaha bulshada kala Duwan ee Dalka oo aaminsan in nidaamka maamul ee xukuumadda Kulmiye horseed u tahay Shaqo la’aan baahsan oo waddanka ka jirta iyo tiro badan oo ka mid ah dhalinyaradii mustaqbalka hoggaamin lahayd dalka oo saddexdii sanno ee u dambeeyey si baahsan uga hayaamay dhulkooda hooyo iyaga oo si tahriib ah dhulka iyo badda ugu mara waddamada Reer galbeedka gaar ahaan qaaraadda Yurub si ay raadsadaan nolol ka duwan tii ay dalkooda ku haysteen.

SOMALILANDPOST.INFO