Somaliland: Salaadiin ka hadlay Doorkii Marxuum Xaaji Cabdi-waraabe ee dalka, Qaranka iyo Qoyskiisana tacsi u diray

Hargeysa (SLpost)- Salaaddiinta dhaqanka ee Somaliland Xubno ka tirsan, ayaa ka hadlay doorkii samatalisnimo ee Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi-Waraabe) oo Jimcihii ku geeriyooday Hargeysa isagoo jiray 121 sannadood, waxaanay tacsi u direen Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Golaha Guurtida oo uu ka tirsanaa markii la aasaasay illaa intuu dhimanayey iyo guud ahaan Qaranka Somaliland.

 

Waxay Salaaddiintu Marxuumka ugu duceeyey in Illaahay naxariistiisa Janno ka waraabiyo. Shir Jaraa’id oo ay Salaaddiintu maanta ku qabteen Hargeysa oo ay geerida Marxuumka kaga hadleen, kaga bogo Muuqaalkan Hoose.

 

https://youtu.be/vNt4FC80Uzs