Somaliland Saddex Gobol Miyaa Iyo Saaxil Oo Qudha? Sool Iyo Sanaag Ma Ku Saayid Baa? Ma Wixii Saraar Ka Sarreeyabaa Caynaba La Siman – W/Q: Mohamed Salah Saed

Waxaan habeen dhowayd ka qaybgalay xuska 26 June oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland, waxaan aad u dhegaystay ereyo qiiro lahaa oo uu madasha ka jeediyey ruug caddaaga siyaasiga ah ahna Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo isagu waaya arag u ahaa taariikhda uu ka sheekaynayey, wuxuu goobta ka sheegay in arrimaha Somaliland ku dhaliyey inay koonfur wax la wadaagi waayaan ay ka mid ahayd, ka dib markii xilalkii muhiimka ahaa ay isku taxday Koonfuri, sida Madaxweynihii, Raiisalwasaarihii, Taliyayaashii ciidamada iyo xilalkii kale ee muhiimka ahaa isla markaana loo diiday reer woqooyigii xornimadooda halkaas geeyey inay wax ka helaan kuraastii dalka ugu sarraysay, ereyadaas markii madaxweynuhu ka sheekaynayey waxaa maskaxdayda ku jirtay maahmaah soomaaliyeed oo tidhaahda “Rag caddaalad waayay sidii cawsha kala yaac”.

Haddiiba ay Somaliland cadaalad darro dhinaca hoggaaminta ah uga soo goosatay Somalia, ka waran haddaba haddii caddaalad darro taas la mid ahi ay iminka ka dhex jirto isla dawladdan Somaliland u dhisan, haddii aan is idhaahdo ereyo ku cabbir laga yaabee inaynaan ku heshiinin laakiin aan idin taabsiiyo tusaalayaal koobkooban.

Somaliland waxay ka kooban tahay inta sharciyaysan lix gobol oo waaweyn, baaxad ahaan dhulka Somaliland wuxuu u qaybsamaa Gobollada Galbeedka iyo Gobollada Bariga, Tusaale ahaan Gobolka Sanaag oo keli ahi wuxuu baaxadda dhulka Somaliland ku fadhiyaa 38%, halka gobolka Sool isna aanu ka yarayn 13%, sidaas awgeed labada gobo lee Sool iyo Sanaag waxay baaxadda dhulka Somaliland ku fadhiyaa 50%, taas macneheedu waxaa weeye gobollada Bariga Somaliland gaar ahaan Sool iyo Sanaag waa kala badh dalka, halka gobollada Galbeedka oo is huwan sida Togdheer, Saaxil, Hargeisa iyo Awdal ay yihiin 50%.

Dadka ku nool Sool iyo Sanaag haddaba waxya isweydiinayaan tolow arrimahan hoos ku qoran maad u qalantaan mise xuquuqdiinaa la idin duudsiyayaa, waxaana u gar dhiganaynaa shacabka Somaliland haddii aanu u qalano iyo haddii kale:

1.       Golaha wasiiradu waa 46, labadan gobol oo 50% baaxadda Somaliland ku fadhiyaa waxay ku leeyihiin 11 wasiir halka 35 wasiir ay leeyihiin gobollada kale oo ku fadhiya 50%, taasi ma cadaalad baa mise wax kalaa jira?

2.       22 sano maxaa loo arki waayay madaxweyne ama ku xigeen ka soo jeeda labadan gobol, ama xattaa murashax madaweyne ama ku xigeen oo tartamaya mise labadan gobol kuraastaas uma qalmaan?

3.       Saddex Xisbi Qaran ayaa dalka ka jira, saddexdaba labadan gobol midna hoggaankiisa sare waxba kuma laha, markaa sidee la doonayaa inaan saaxadda siyaasadda uga mid noqono?

4.       Dalka taladiisa ka sokow madaxweynaha iyo golihiisa wasiirada waxaa iska leh, hay’ado kala duwan, sida Baanka dhexe, Auditinkga, Hay’adda Shaqaalaha, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyayaasha Guurtida iyo Wakiillada, iwm. Dhammaan hay’adahan marka baanka dhexe laga saaro inta kale gobolka Sanaag midna ma hayo.

5.       Cududda milateri ama ciidan ee dalka ayaa iyana ah awood muhiim ah, tusaale ahaan, Taliyayaasha Ciidamada Milateriga, Booliska, Sirdoonka, Asluubta, Badda iyo Socdaalka, dhammaan ciidamadan marka laga reebo Taliyaha Asluubta inta kale labadan gobol waxba kuma laha markaa sidee la doonayaa in wax loo wada yeesho.

6.       Guddiyada madaxabanaan ee dalka ka jira waxaa iyana madaxa u rita gobollada galbeed ee Somaliland, tusaale ahaan Guddida Doorashooyinka, Guddida Diiwaangelinta, Guddida Xuquuqal Insaanka Qaranka iwm. Dhammaan guddiyadan iyo kuwo kale oo tiro badan gobolladani waxba kuma laha.

7.       Ururadii bulshada rayidka ahaa ee ay habboonayd in dalku iska wada dhex arko iyana labadan gobol kuma jiraan, tusaale ahaan Dalladda Dhalinyarada Somaliland SONYO, SONSAF, NEGAAD, NOW, SOLJA, SOLLA iwm. Waa ururo ay leeyihiin bulshada reer Somaliland hase ahaatee mid keliya oo cid labadan gobol ka soo jeedaa ay horjooge ka tahay ma jiro.

Maanta waan garnaqsanayaa oo saddex qolaan la garnaqsanayaa, Xukuumadda mid baan leeyahay, sidan ma xal baad moodeen mise waa idinka garasho, ogaada wixii dhib ah ee ka dhasha haddii dadkayagii la dhegaysan waayay inay xukuumaddu cidla dhigtay, Shacabka Somaliland mid baan leeyahoo, Labadan gobol ma siday u qalmaan? Shacabka gobolladaas ku dhaqanna waxaan leeyahay codkiina oo kala tafaraaruqsan ayaa cidladan idin dhigee midooba oo meel uga soo wada jeesta arrintan.

Maalintii dhowayd markii Madaxweyne Siilaanyo isku shaandhaynta sameeyey runtii dadku waxay aad ugu bogeen rag miisaan culus leh oo uu keenay sida Wasiirka Arrimaha Debedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde, hase ahaatee kaftan ayaa ka soo baxay liiskaas cusub, waxaa la yidhi reeraha kuraasta loo kordhiyey waa kuwa ugu mucaaradada kululaa xukuumadda, shakhsiyaadka kuraasta la siiyeyna waa kuwii ugu cayda kululaa. Nin aanu asxaab nahay ayaa aad u caayay madaxweynaha iyo xubno wasiiradiisa ka mida markii aan ku idhi maxaad sidaas ugu caayaysaa ayuu intuu qoslay iigu jawaabay “xil doon ayaan ahay” markaan ku idhi oo haddaa sowdiga caytamaya wuxuu iigu jawaabay “iminka ninka madaxweynaha aad u caaya ayaa wasiir noqda, markaa haddii caydaydu gaadho kolba wasiir ku xigeen wax ka yar waayi maayo” waxaan iminka leeyahay reer Sanaag iyo Sool way fahmi la’yihiine ma caydaa wax lagu helayaa illeyn sidii gobta naloo dhegaysan waaye.

Mohamed Salah Saed

sanaagnews@gmail.com