SOMALILAND: Qaybaha Caruurta iyo Qorshaynta Daryeelkooda – W/Q: Xuseen Kurdi

Xuseen Kurdi
Xuseen Kurdi
Xuseen Kurdi

Daryeelka iyo xanaanada Ubadku waa waajibaad saaran waalidiinta, ehelada iyo qaraabada ubadka ku dhaqan dal kasta oo dunidan ka mid ah, laakiin hadii ay meesha ka baxaan dhinacyadani waxay mas’uuliyaddaasi tahay mid ku wareegaysa hadba bulshada ay ka mid yihiin iyo dawladda xiligaa xafiiska joogta, iyadoo badbaadinta nolosha mid ka mid ah ubadkaas iyo dhismaha mustaqbalkiisu ay tahay mid ka qiimo badan hawl kasta oo kale xitaa haday tahay shidaal laga soo saaro dal ama dekedo la dhiso ama guulo diblumaasiyadeed oo dalkaasi helo.
Somaliland oo ah dal soo koraya waxa lama huraan ah in ay dusha u ridato oo buuxiso kaalintii mas’uuliyadeed ee kaga aaddanayd daryeelka ubadka.

Warbixintan oo ujeedadeedu tahay inaynu daah qaadno dhibaatooyinka ugu waaweyn ee caafimaad iyo kuwa daryeel la’aaneed ee ubadkeena haysta iyo sida looga bixi karo, waxa aynu ku eegi doonaa qaybaha ay ka kooban tahay caruurteenu sida kuwa caafimaad qaba tarbiyadooda iyo dhismahooda, kuwa naafada ah iyo sababaha ugu badan ee ku keena naafada , halka sidoo kale aynu wax ka taaban doono Caruurta Orphanage ah ee ku jira xarumaha dhalaanka, ubadka uu waalidkood asiibay HIV iyo sida loogu gurman karo ee loo badbaadin karo mustaqbalkooda, dhibaatada Umul-raacu leedahay iyo dhanka kale faafaa’iidooyinka ku jira kala dheeraynta dhalmada, waxana aynu wax ka soo qaadan doonaa warbixinihii ugu dambeeyey ee heer caalami ahaa ee lagaga hadlay arimahani, halka sidoo kalena aynu diyaarinta warbixinta ku martigelin doono mas’uuliyiin, khubaro iyo hawlwadeeno caafimaad oo ku fooggan hawlaha aynu ka hadlayno
Caruurta Caafimaadka Qabta
Hadaba si aynu awood ugu yeelano daryeel iyo tarbiyad aynu caruurteena siin karno waa in aynu la soconaa wadciga hadba ay ku sugan yihiin . inagoo ka dhisayna dhinacyo kala duwan sida Maskaxda ama garaadka , jidhka iyo dareenka , maankana ku haynaa in waxa ku hareeraysan ilmuhu uu saamayn ku yeelan karo shaqsiyadiisa.

Culimada ku takhasusutay Cilmiga bulshadu waxa ay aaminsan yihiin in ilmauhu soo maro marxalado shaqsiyadiisa ku keena isbedelo, taasoo la xidhiidha hadba da’da uu ilmahaasi marayo, tusaale ahaan:-

Ilmahu labada sano ee u horeeya waxa uu wax ku kala gartaa dareenka, sida wax uu taabtay, wax uu maqlay ama wax uu uriyey IWM. taas oo macnaheedu yahay inaad ilmaha wejigiisa ka garan karto inuu doonayo cuntada aad siinayso iyo in kale, iyadoo ay wanaagsan tahay in aadan ku khasbin shay aanu niyad ahaan doonayn.

sanadka labaad ilaa sanadka shanaad Ilmuhu waxa uu ogaadaa inuu qof gaar ah yahay, magac gaar ah leeyahay, iyo sidoo kale magacyada waalidkii, walaaladii, dadka uu la nool yahay iyo waxyaabaha uu si soo noqnoqosho leh u maqlo ama u daawado sida magacyada dadka filimada metela ama sumadda xoolahooda ama cayayaanka beertooda laga ilaaliyo.

culimada cilmiga bulshada ka hawlgashay waxa ay ku adkaysanayaan in ilmuhu uu ka fekeri karo wax soo socda marka ay da’diisu ka kor marto todoba sanadood isla markaana uu ogaan karo xiliga uu waddo ka gudbi karo ee baabuurtu ka taagan tahay ama qiyaasta ah in uu gaadhiga soo socda ka hormari karo oo ka gudbi karo wadada iyo in kale, waana xiliga uu ilmuhu go’aan qaadan karo.
da’da ilmuhu marka ay gaadho Kow iyo Toban waa xiliga uu ilmuhu wax abuuri karo sida inuu suugaan sameeyo, inuu wax uu bartay gudbin karo oo cid kale sii bari karo IWM. iyadoo uu ilmuhu xaq u leeyahay in la baro diintiisa iyo dhaqankiisa.

Hadaba si aynu u ogaano ama ula socono xaaladda guud ee ilmaheena caafimaadka qaba waa lama huraan in la ogaado in taageerada waalidku siinayo caruurta ay tahay mid waafaqsan marxaladda uu ilmahu xiligaa marayo.
Caruurta naafada ah.

Iyadoo maalinba ta xigta ay sii yaraanayaan tirada ubadka naafada ah ee somaliland ayaa hadana warbixinahii ugu dambeeyey ee ku saabsan caruurta naafada ah ee ay soo saartay hay’adda UNICEF intii lagu jiray badhtamihii sanadkan 2013 waxa ay tilmaamaysaa in in weli laga dareemi karo gudaha somaliland inuu ka jiro gooniyayn iyo quudhsi lagu hayo caruurta naafada ah, kuwaasoo warbixintu ku sifaysay inay seegaan waxbarashada ama aanay u suurogelin in ay caruurta kale la ciyaaraan, 28% caruurtaas ka mid ahna aanay helin cunto ku filan.

Hadaba inkastoo dhaqan ahaan ay adag tahay in umadeenu ay kala faquuqaan ubadkooda ama naafo ha ahaado ama dhammays ha ahaadee ayaa hadana waxaa dood iyo falanqeyn iyo isweydiinba u baahan waa maxay sababta ugu weyn ee ubadkeena ku keeni karta naafadu. sidee baynu se’ kaga hortegi karnaa ama hoos ugu dhigi karnaa.

Polio=da ama dabaysha oo ah cudur ka hortag mooyaane aan daaweyn lahayn kana mid ah lixda cudur ee dilaaga ah sanadkii 1954 waxa talaalkeeda daahqaaday saynisyahankii Dr Jonas Salk, hase yeeshee illaa maantadan aynu joogno waxa ay door weyn ka qaadataa naafaynta ubadka, sanadkan 2013 oo keliya waxaa caalamka oo dhan laga diiwaangeliyey ilaa 300 oo Case oo Polio ah, tiradaas oo ah intii ka horaysay markii dhowaan ay Polio-du sida daadka oo kale uga soo rogmatay dalka Suuriya, magalada DIRU-SOOR oo keliyana laga diiwaangeliyey ilaa 21 xaaladood oo posotive ah.

27.10.2013 warbixintii u dambaysay ee ay WHO soo saartay , xiligaas oo ku beegnaa maalin ka bacdi markii la soo gebagebeeyey ololihii talaalka dabaysha ee Da’ kasta oo muddo todobaad ah ka socday somaliland waxa warbixintaa lagu caddeeyey halka uu markiisii hore ka yimid Virus-ka polio-da ku sababa ubadka soomaalida. iyadoo lagu bayaamiyey warbixinta in nooca Virus ee Polio ah ee laga helo ubadka soomaalida uu markiisii hore ka yimid dhanka dalka Galbeedka afrika ku yaalla ee Nigeria, ka dibna markii uu deegaanada Somalida isaga dhex baxay uu uga sii gudbay dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Dhamaadkii bishii Oktoobar ee Sanadkan Oliver Rosenbauer oo ah afhayeen u hadlay hay’adda WHO waxa uu sheegay in mar kasta oo Polio lagu arko deegaanada Soomaalidu degto baadhitaanka lagu sameeyo dheecaanka DNA-da ee bukaanka lagu ogaanayo in Virus-ka asiibay uu xidhiidh la leeyahay halkii uu markii hore Virus-kaasi ka yimid.

hadaba waxa isweydiin leh muddo nus qarni ah ka bacdi markii la daahqaaday talaalka dabaysha, ololayaasha talaal ee Somaliland ka dhaca ee lagu hayo cidhibtirka Polio ma yihiin kuwo sida ay u socdaan midho dhal samayn kara, sidee baa se’ looga hortegi karaa Polio,
waa kan Abiib Aadan Nuur oo ka mid ah saraakiisha sare ee talaalka Qaranka:
((Sidaad ogtihiin Polio laguma arag somaliland tan iyo sanadkii 2007, sanadkan hal kiis ayaa lagu arkay Gobolka Sool, ka dibna waxaanu qaadnay ololayaal xidhiidh ah, markaa midho dhalka aad i weydiisay taasaa kaaga filan))
waalidku gaar ahaan ma garan karaa in ilmihiisa uu asiibay cudurkaasi, hooyadu ma taqaanaa calaamadaha lagu garto dabaysha. waa kan mar kale Md Abiib:
(( annagu wacyigelin waa siinnaa waalidiinta, mana aha taa macnaheedu in walidiintu wada baran karaan dhamaan cudurada iyo calaamadaha lagu garto, laakiin waxa aanu maskaxda ku haynaa in waalidku inooga lexjeclo badan yahay ubadkooda oo marka ay ku arkaan xanuun ay xarumaha caafimaad keenayaan))

dalkeena ma yaalla shaybaadh lagu ogaan karo cudurkan, hadii ay jawaabtu tahay maya waa maxay duruufta caruurta la deegaanka ah Ilmaha uu cudurkaasi ku helo meel ka fog caasimadda.
Md abiib oo arintani ka hadlayaa waxa uu yidhi:
( maya runtii shaybaadh yaalla dalkeena ma jiro,ka ugu sokeeyaa waxa uu yaalla Nairobi. baahidiisana ma aanaan arag maadaama uu yahay shay qaali ah anaguna aanu dalkayaga ka yaraynay Cudurkii oo muddo lix sanadood ah hal kiis keliya lagu arkay, waxa aanu kula dagaalamayno waa ka hortag iyo inaanu talaal xidhiidh ah samayno))
Sanadkii 2005 waxay ahayd xilligii loo qabtay in Polio-da lagaga cidhibtiro qaaradda madow, xiligana uu madaxa la sii kacay oo xitaa laga heli karo dadkii waaweynaa Waa maxay rajada muuqan karta in maalin maalmaha ka mid ah laga guulaysto Cudurka dabaysha; Md Abiib waxa uu isagoo ka hadlaya rajada la qabo uu sheegay Sidan:
(( ennagu waxa aynu nahay umad islaam ah, ilaahay uun baa inaga kor qaadi karna dadaalkii la yidhi la kaalayana waa wadnaa rajadu ma xuma runtii))
dhiirrigelinta kala korinta ubadka.
Marka aynu ka hadalno kala dheeraynta dhalmada macnaheedu waa in la helo ubad maskax ahaan iyo jidh ahaanba dhisan, waxa hubaal ah inay tahay arrin aan inooga baahnayn kharash iyo qiimo dhaqaale oo aynu ku bixino, xilli ay fulinta talaabadasi tahay mid leh faa’iidooyin ay ka mid yihiin:-
Ilmaha ama caruurta oo kala hela fursad lagu kobciyo
Hooyada oo nasata, awood iyo tamarna u hesha inay uur kale qaadda. xilli ay somaliland Kaalinta Koobaad kaga jirto liiska dalalka caalamka uu ugu badan yahay Ummul-Raaca Haweenku, sida ay munaasabaddii lagu xusayey maalintii naas nuujinta ee sanadkan ka caddaysay Marwo Aasiya Cismaan oo ah madaxa WHO ee Somaliland.

in illaa xad hoos loo dhigo taran dhaafka dadweyne ee Somaliland la wadaagto caalamka intiisa kale.
July,06,2011. Drs Adna Aden oo ka hadlaysay Aqoon isweydaarsi ku saabsanaa kala dheeraynta dhalmada ayaa iyadoo sharaxad ka bixinaysa ahmiyadda arrintaasi leedahay waxa ay sheegtay in sababta koobaad ee sida qaalibka ah lagu hirgelin karo kala dheeraynta dhalmadu ay tahay Naaska oo loo dhigo ilmaha laguna canqariyo marka uu soo dhaco, waxana ay ku boorrisay haweenka inay ku dadaalaan hirgelinta talaabadaasi.

Dhanka kalena faa’iidada weyn ee ku jirta kala dheeraynta dhalmada waxaa ina fartay diinteenna suuban oo inagu wargelisay in ilmaha muddo labo sanadood ah la jaqsiiyo naaska, taas oo macnaheedu yahay in hooyada iyo ubadkuba ay helaan faa’iidada ku jirta waqtigaasi
Wasiirka diinta iyo Awqaafta ee somaliland Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa munaasabado badan ka sheegay in culimadu ay kaalinta ugu weyn ka qaadan karaan sidii hooyada loo dhacsiin lahaa shayga ay diinta islaamku waajibisay oo ah in ilmaha naaska la jaqsiiyo muddo labo sanadood ah.

Faa’iidada kale ee aynu xusi karno ee ku jirta kala fogaynta dhalmada ayaa la xidhiidha sida ay somaliland xal ugu heli lahayd taran dhaafka xaddiga leh ee somaliland la wadaagto beesha caalamka, iyadoo ay taranta bulshada caalamku sii marayso ilaa Todoba Bilyan oo ruux sida ay daaha ka qaaday hay’adda World Population. korodh kale oo ku yimaaddaana sababi karo dhibaatooyin cunto yari iyo isbedel cimilo oo yimaadda, arrinta cunto yarida oo dhibaato baaxad leh ku keeni karta somaliland, maadaama warbixinihii laga jeediyey xuskii maalinta cuntada aduunka ee ka dhacay caasimadda Somaliland lagu caddeeyey in Somaliland sanadkii tegay ee 2012 ay dibadda ka soo iibsatay in ka badan shan boqol iyo Todobaatan kun oo Ton oo cunto ah, taa bedelkeedana sanadkii kaa ka horeeyey ay Somaliland dalka gudihiisa ka soo saartay 48 kun oo Ton oo cunto ah oo keliya.

hadaba iyadoo uu muuqdo werwer balaadhan oo ku saabsan sida mustaqbalka la isugu hallayn karo cuntada dibadda laga keenayo ayaa Dhanka kale Somaliland oo ah dal soo koraya oo dhaqaalihiisu ku xidhan yahay xoolaha nool, 92% cuntada laga isticmaalona laga keeno dibadda marka laga reebo hilibka, caanaha iyo khudradda ayaa waxa lama huraan loo arkay in laga fekero sidii looga tabaabushaysan lahaa taran dhaafka mujtamaca ee maalinba ta xigta kor u sii kacaya. waxaana la aaminsan yahay inay kala dheeraynta dhalmadu tahay mid ka mid ah qorshayaasha lagu xadidi karo tirada waddan leeyahay, inagoo aan marnaba garaadkeena ka saarayn in ilaahay abuuray aadamaha, ruux walbaana uu wato risiqiisa.

Guud ahaan caalamka aya waxa ka socda qorshayaal lagu yaraynayo taranka xad dhaafka ah ee soconaya xilli ay Somaliland dhankeeda xiligan waddo qorshayaal tirokoob oo lagu doonayo in la helo qiyaasta ugu dhow ee bulshada reer somaliland, laguna kala saarayo qaybaha ay bulshadu ka kooban tahay sida inta arday ah ee waxbarasho u baahan, inta camal la’aantu haysato ee shaqo loo abuuro sugaya, inta bukaanka ah ee daaweyn u baahan, inta haween ah, inta dhalinyaro ah IWM, tirokoobkaas oo dhabbada u xaadhaya in la dejiyo qorshayaashii lagu waajihi lahaa horumarinta bulshada ku dhaqan jamhuuriyadan Curdinka ah ee somaliland.

Ubadka Orphange -ka ah
Inkastoo inta badan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland laga yagleelay xarumo lagu daryeelo caruurta agoomaha ah iyo kuwa kale ee la hal maala. Ayaa hadana hawshaasi wax ka qabashadeedu waxa ay tahay mid maraysa maraaxilkeedii bilowga ahaa maadaama ay weli jiraan caruur badan oo dayac nololeed, mid waxbarasho la’aaneed iyo mid mustaqbal xumo ku haysto meelo kala duwan oo dalka ka mid ah.

Caruurta lagu xanaaneeyo xarumaha Agoomaha ee Dalkeena ku yaalla oo Da’doodu u dhexayso Habeen ilaa dhowr iyo Toban sanadood waxa ay u badan yihiin qaybahan hoose sida ay noo caddeeyeen saraakiil ka hawlgasha xarumaha qaarkood:
Caruur aan lahayn waalid la yaqaano.

Agoomaha oo ah ubad waalidkoodii ay geeriyoodeen.

ubadka danyarta ah ee qoyskoodu aanay awood u lahayn inay koriyaan.
Ubadka ay saamayso dhibaatada ka dhalata burburka qoyska ama furriinka. iyo qaybo kale.
Somaliland waxaa xiligan ka socda dadaalo gaar gaar ah oo laga wado xanaanaynta iyo daryeelka Ubadka taasoo keentay in xarumo waaweyn looga dhiso dalka intiisa badan, sida:
Xarunta Dhallaanka ee caasimadda
xarunta Agoomaha ee Xaafadda Maxamuud haybe, Hargaysa.
Xarunta Cusub ee Agoomaha, Hargeysa (Qabyo)
xarunta Agoomaha ee Laascaanood
Xarunta agoomaha ee Buuhoodle (Qabyo)
Xarunta agoomaha ee Burco
Xarunta agoomaha ee Boorame
Xarunta agoomaha ee Ceerigaabo
Xarunta agoomaha ee Gebiley
Xarunta agoomaha ee Arabsiyo

Hirgelinta xarumaha noocan ah waxa ay markhaati ka yihiin sida bulshada Somaliland ay isugu taagtay daryeelka intooda jilicsan inkastoo weli aynu taagan nahay afaafkii hore ee Jid dheer oo inooga hadhay wax ka qabashada daryeelka ubadkeena, loona baahan yahay in qorshe midaysan oo heer Qaran laga yeesho arintaasi.

Ubadka HIV
Waalidkii Baxyee, Badbaadi Ubadka
((Qorshe Qaran oo lagu Daryeeli karo Kumanaan caruur ah oo uu Waalidkood galaaftay (HIV AIDS)

Ummad ahaan waxaa la inooga baahan yahay in aynu dareen u yeelano Daryeelka gaarka ah iyo ogaanshaha ay inaga sugayaan ee inagu leeyihiin caruurta ay dhaleen waalidiinta la tabaalaysan ama u geeriyooday Cudurka HIV-AIDS, caruurtaas oo ay lama huraan tahay in loo helo qorshe loogu buuxinayo kaalintii waalidkood, laguna badbaaadinayo noloshooda iyo aayahooda dambe.

Taageerada la siin karo ubadka noocaas ahi waxa ay keenaysaa arimahan:-

-In marka aynu dhulka isaga naxariisano ilaahay samada inooga naxariisan doono
-In Ubadkaasi ogaadaan in marxalad kasta oo waallidkood ku sugan yahayba ay weli ka mid yihiin bulshada oo ay gacan haystaan
-In ubadkaasi aanay ka dhicin nolosha, siina wadan karaan waxbarashadooda iyo u diyaargarowga mustaqbalka
-In ubadkaasi ku barbaari doono raxmad iyo dad jacayl mustaqbalkana kaalin muuqata ka geli doonaan wada noolaanshaha bulshadeena.
-In waalidka la tabaalaysan HIV-ga ay ka yaraato dhibaatadu, moral ahaana uu soo roonaado.
Si hadaba aynu isugu tashano, waxna ay inoo tarto taageerada beesha caalamku waa in aynu jidhkeena ka soo goynaa waxyaabaha caawin kara ubadka noocan oo kale ah.

Tusaale ahaan 35 kun oo shaqaalaha iyo Ciidamada isugu jira dalkeena haddii aynu min hal doolar bishii ka jarno mushaharaadkeena, Golayaasha Qarankana min Labaatan Doollar Bishii, Golaha Xukuumadda, Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisana sidaas oo kale qiyaastii qadar lacag ah bil walba ka reebno mushaharadooda, hay’adaha caalamiga ahna wax joogto ah uga helno waxaa runtii soo bixi lahayd miisaaniyad bil walba Gunno ahaan loo siiyo ugu yaraan Kun qoys oo reer Somaliland ah oo waalidkoodii ay u dhinteen ama la tabaalaysan yihiin HIV AIDS.

NB/ Waxaan hayaa shax rasmi ah oo muujinaysa miisaaniyadda aynu ku dabooli karno qoysaskaasi, hadii loo baahdana waan soo gudbin.

W/Q Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi)
xuskurdi@gmail.com 4491178