Somaliland: Qaran Dib u Qiimeyn u Baahan – W/Q: Fouad Abdisalam

Salaamu laahi caleykum

Waxaa laga joogaa mudo ka badan labaatan sano markii aynu xornimadeeni dib ula soo noqoney dhisaneyna qaran madax banaan oo isku duuban lehna astaamaha dhameystiran ee qaran lagu qiimeeyo sida ciidan qaran, xuduudo sugan, maamul kala danbeeya oo kala duwan iyo heykal dhan oo dowladnimo, waxeynu mudadaas dhisaney qaran ku yaal mandaqad aan xasilooneyn oo ay ka jiraan nabad galeyo xumo iyo duufaano siyaasadeed oo isbedel badan taas oo inagu (Somaliland) aynu noqoney xidig ifeysa oo ku caan baxdey nabad gelyo iyo deganansho siyaasadeed.

Hadaba, Maanta waxaa  mandaqada geeska afrika ka dhacey isbedlo balaadhan oo saameyn taban ku yeelan kara madaxbanaanida somaliland iyo qaranimadeenaba taas oo waajibka ina saaran ay tahey in aynu qiimeyn balaadhan isku sameyno si aynu uga hor tagno wax kasta oo ina mijo xaabin kara qaranimadeena wax u dhimi kara, waxaa dowlada balaadhan ka dhalatey wadanka aynu jaarka nahey ee somaliya oo aynu hore xornimadeena uga soo noqoney walina aaminsan in somaliland tahey gobol ka mid ah wixii la isku odhan jirey somaliya, waxaa inagala soo socda halkaas dabanimo badan oo qaranimada somaliland lagu minjaxaabin karo iyagoo aan marnaba raali ka aheyn mabda’a iyo jiritaanka somaliland.

Sidoo kale waxaa dhawaan Qaramada Midoobey cuno qabateyntii dhinaca hubka ee saarneyd somaliya ay ka qaadeen iyadoo sida aynu kala soconey wakaaladaha wararka madaxda ugu sareysa dowladaas somaliya ay ku hadaaqayeen hadalo u eekaa weeraro qaawan, iyagoo oo ilowsan niyadooda aan ku heynin in shacabka iyo umada somaliland ay yihiin kuwii quwadii awooda badneyd ee dowladii maxamed siyaad cagta mariyey ee hadh cad dalkooda iyo dhulkooda ka xoreystey.

Si kastaba ha ahaatee waxaan talo ku soo jeedin lahaa in aynu qiimeyn dhinac walba ah ku sameyno qarankeena oo aynu la jaan qaadno isbedelada ka jira geeska afrika una diyaar garowno wax kasta oo inaga iman kara oo qadiyadeena baabi’ina kara, taasi waxey inoo keeneysaa ka dib markeynu si cilmiyeysan u qiimeyno qadiyadaha geeska afrika ka jira in aynu u diyaar garowno wax kasta nabad iyo colaad, waxaa kale oo muhiim ah in aynu si wada jir ah mar walba madax iyo shacab aynu u wada socono oo aynu goaan mid ah u yeelano cadowgeena dibadeeda u mideysnaano.

Guntii, Somaliland waa qaran leh awood uu ku difaacan karo madax banaanidiisa sidoo kale leh mabda mid ah oo ah in ay somaliland tahey qaran madax banaan ujeedo kaliyana ay tahey in ay noqdaan wadan ka tirsan beesha caalama helaana ictiraaf caalami ah.

 

Fouad Abdisalam Hassan

National04@hotmail.com

Hargeisa/ Somaliland