Somaliland oo Xafiis ka furatay dalka Taiwan iyo Jewiga Munaasibad laysku Arkay oo lagu daah-furay

 

Hargeysa (SLpost)- Somaliland ayaa si rasmi ah xafiis dibloomasiyadeed uga furatay caasimadda Taiwan ee Taipei maanta Arbacadii, taasoo laga dheehan karo xidhiidhka dhow ee labada dhinac.

Munaasabada lagu soo bandhigayay daah-furka xafiiska, ayaa lagu qabtay Xarunta Machadka diblomaasiyadda iyo Arrimaha caalamiga ee wasaaradda arrimaha dibedda Taiwan, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan guddiga diblomaasiyadda ee labada dhinac.

Wakiilka Somaliland ee Taiwan ayaa hadal uu munaasibadda ka jeediyey ku yidhi, “Heshiiska laba geesoodka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan wuxuu ku salaysanyahay qiyamkeena guud ee dhinacyada xoriyada iyo dimuqraadiyada.”

“Waa in la bilaabo dedaallada lagu xoojinayo xidhiidhka naga dhexeeya labadayada dhinac oo danta guud ka dhaxayso taasoo kor u qaadi karta ganacsiga labada dal iyo iskaashiga dhaqaale ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, beeraha, tamarta, macdanta iyo ICT,” ayuu raaciyay Danjire Maxamed Xaaji.

Dajire Maxamuud waxa uu ku marti-qaatay ganacsatada reer Taiwan inay Somaliland ka maalgashadaan macdanta, dalxiiska, deegaanka, kalluumaysiga iyo beeraha.

Dajire Maxamoud ayaa wareysi hore ku sheegay in xafiisku ka koobnaan doono shan shaqaale oo kala ah: isaga, laba ka soo jeeda Somaliland iyo laba shaqaale oo u dhashay wadanka Taiwan oo laga shaqaaleysiiyay.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Taiwan, Joseph Wu, ayaa isna dhankiisa tilmaamay xaalado isku mid ah oo ay kala kulmeen Taiwan iyo Somaliland fagaaraha caalamka.

“Labadayaduba waxaan la kulannaa cadaadis dibadeed, laakiin waxaanu ku faanaynaa madax-bannaanidayada oo aan diyaar u nahay inaan difaacno, ”ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa kale oo uu intaas ku daray, “Taiwan waxay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso saaxiibkeeda ay isku fikirka yihiin ee Geeska Afrika.”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda kaga qayb-galay hab-maqal iyo muuqaal ah isagoo jooga Hargeysa, waxa uu sheegay in xilligan ay tahay waqtigii ugu fiicnaa ee ay labada dhinac ku dedaali lahaayeen xoojinta xidhiidhkooda, isagoo xusay in Somaliland ay noqonayso barta udub dhexaadka u ah danaha caalamiga ah ee isbedelka dhaqaalaha adduunka.

Taiwan iyo Somaliland ayaa bishii February kala saxeexday heshiis dhigaya inay isweydaarsadaan xafiisyo wakiileed, waxaanay Taiwan xafiiskeeda ka furatay Somaliland 17-kii Ogost ee sannadkan.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland