Somaliland oo Wax ka beddeshay Mawqif ay hore uga qaadatay Siyaasiyiinta u dhashay Soomaaliya ee ku socdaalaya Garoomadeeda Diyaaradaha

SAWIRROHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegtay inay u ogoshahay masuuliyiinta ka tirsan dawladda Soomaaliya inay safar ku mari karaan madaarrada Somaliland, balse aanay oggoleyn inay dibadda uga soo baxaan madaarka ay ku degto diyaaradda ay la socdaan.

Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta war-fidiyeennada qaybo ka mid ah warbaahinta dalka ugu warramay madaarka diyaaradaha ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa,  ayaa sheegay inay oggol yihiin isla markaana aanay wax dhib ah u arag siyaasiyiinta Soomaaliya ee Transit-ka ku maraya Madaarrada Dalka, haseyeesheee waxa uu sheegay inay si ka duwan ula dhaqmayaan siyaasiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya dalkaasi Soomaaliya.

Wasiirka oo ugu horeyn ka hadlayey go’aanka ay ku ogolaadeen inay Madaxda dawladda Soomaaliya iyo Puntland ay Transit ahaan (nasasho) u adeegsan karaan madaaradda dalka, ayaa yidhi, “Masuuliyiinta dawlada Soomaaliya transit ku way ku mari karaan Garoomada Somaliland. Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay ee aan aniguna halkan kaaliyaha ama odayga uga ahay, siyaasada aan ku maamulaynaa waxa weeye in garoonkan Hargeysa  aanu ka dhigno garoomo caalami ah, oo geeska afrika oo dhan waraabiya oo hab u noqda mandaqadan, waxan aanu doonaynaa in aanu soo jiidano diyaarado waaweyn oo caalami ah, oo calan waddan sita oo caymisyada adduunka ku jira, waxa aanu doonaynaa in diyaaradihii dadka muwaadiniinta ahi ay laayeen ee dadkan la soo kifaaxay in aanay baabin ee aanu dhawro, siyaasada noocaas ahi inaga socon mayso haddii aynu nidhaahno yaan layna soo marin oo dadka aynu Transit-ka ka horjoogsano,  caalamina aynu noqono, dunidu shuruuc iyo xeerar garoomada lagu maamulo ayey leedahay kuwaas oo lagu hubiyo, Hay’ada ICAO  ayaa dajisa, wixii Transit ahina madaarka way marayaan hadii ay Jabuuti, Kiiniya ama Itoobiya ka socdaan, madaxda Soomaaliya kuwaas ayuunbay la mid yihiin.”

Wasiirku waxa uu kala saaray Masuuliyiinta ka tirsan Dawladda Somaliya, isaga oo xusay in si gaar ah loola dhaqmayo shakhsiyaadka u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Masuuliyiinta Soomaaliya ee Muqdisho ka imanaya ama kuwa Punland way soo mari karaa Madaarada Somaliland iyagoo transit ah, marka laga reebo masuuliyiinta Somaliland u dhashay ee maamuladaas ku jira, kuwaasi waxay khiyaameeyeen umadoodii iyo dalkoooda,  kuwaas ma ogolin, haddii ay madaarada soo fadhiistaana diyaarada ugu gali mayno laakiin haddii ay soo cago dhigtaan  oo Terminalada ay yimaadaan, xaq ayaanu u leenahay inaanu xukuumad ahaan qabano.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena sheegay inay Madaxda Soomaaliya ee Transit- ka ah  ka reeban tahay inay magaalooyinka u gudbaan waxaanu yidhi, “Madaxda Soomaaliya  waxa ka reeban inay gudaha Somaliland galaan, Transit  way ku joogi karaan madaaradda, meelo aanu ugu talo galaynay ayaa la gaynayaa, oo waa la dhawrayaa iyaga iyo sharaftoodaba, wax ceeb ahina kuma jirto taas, imikana way na soo maraan masuuliyiin Puntland ah oo maanta oo ugu damabaysay Wasiirkii Maaliyada ayaa marayey isagoo Transit ah.”

Hadalka ka soo baxay Wasiirka Duulista Hawada Somaliland, ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay warbaahintu wax ka weydiisay kulan ay garoonka diyaaradaha Hargeysa isaga iyo Wasiir kale kula yeesheen Masuul sare oo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland oo Transit ku ahaa Garoonka diyaaradaha Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET