Somaliland oo Walaac ka muujisay Khatarta Al-Shabaabta Galgala ku soo qaxaysa, kana hadashay siday uga gaashaamatay halista ka soo fool-leh

Burco (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inaanay qarsoonayn khatarta ay Kooxda Al-Shabaab oo ka soo qaxaysa inta badan Koonfurta dalka Soomaaliya, isla markaana si dhuumaalaysi ah ku soo galaysa Buuralayda Galgala ee Bariga gobolka Sanaag, gaar ahaan ku dhaw magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee Puntland, halkaasoo galabnimadii Isniintii dorraad ay ku dileen Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Axmed Xaaji Cali Cadami
Axmed Xaaji Cali Cadami

Somaliland waxay sheegtay inay ka feejigan tahay khatarta kaga iman karta qaxoontiga Al-Shabaab, isla markaana ay ammaanka Xuduudeheeda ee ay ka soo geli karaan aad loo adkeeyey, iskaashi dhinacyada nabadgelyada iyo kala war-qaadashada ahina uu ka dhexeeyo dhinaca Maamul-goboleedka Puntland. Waxaanay Xukuumaddu intaa ku dartay inaanay sugaynin inta ay dhinacyada kale ee dagaallada kula jirta Al-Shabaab ay ka soo gudbayaan, sidaa awgeedna ka hor-tag buuxa ay samaynayso Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo xubin ka ah Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo illaa xalay ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo xalay Khadka taleefanka wax kaga weydiiyey waxa Somaliland uga qorshaysan khatarta ka soo fool-leh Kooxda Al-Shabaab oo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland ka digay, Safarkiii Weftiga Madaxweynuhu ku tegay degmada Laas-qoray iyo jawaabta ay Puntland ka bixisay.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxay kala socdaan halista Al-Shabaab ka soo fool leh oo Madaxweynaha Puntland-na ka digay, waxa uu yidhi; “Taa waxbaa ka jira oo wax qarsoomaa ma jiraane, qoladaa magaca Al-Shabaab la baxday, markaa qoladaas iyo heeryadooda meeshaa aad magacawday (Galgala) soo galaysaa ma qarsoona, Buurtaa casha ah ee Galgala iyo agagaarkeeda kulli way ka sii gudbayaan. Dabadeedna waxa la arkaa Tafaariiqna haku galaane iyagooo dhulkaa khayraadka leh ee See Bord-ka ah (Dhulkaa Xeebaha Badda) ayay u socdaan. Xaggaana waa laga war-hayaayoo markii dagaalladii Koonfurta lagaga gacan-sarreeyey meeshii kale ee ay geli karaanba inay isku deyayaan wax shaki leh maaha.”

“Waxa kale oo iska nasiib-darro ah dhinaca Puntland qoladan hadda timid ee cusub (Maamulka cusub ee Puntland), waxayse ahayd oo ay ku fiican tahay ninna nin gacanta uguma hayo mustaqbalkiisee, in wixii ku saabsan arrimaha nabadgelyada iyo adkeynta ammaanka xuduudaha in laga wada socdo oo laga wada shaqeeyo, adduunkoo dhanna way ka jirtaa information sharring (War-helidda iyo war-is-dhaafsiga) inaannu xoojinno oo iska kaashanno ayaa habboon. Iyadoo la moodayo in cadaawad wayni u dhaxayso Somaliland iyo Puntland oo waxa Idaacadaha iyo TV-yada ka socdo aad yaabayso, ayay haddana iskaashi dhinaca nabadgelyada ahi ka dhaxaysay, markaa qolona qolo uma shaqaynayso ee in la iska kaashado wixii nabadgelyada khalkhal gelinaya ee argagixiso ah iskaashigeeda aan xoojinno ayaannu leenahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka jawaabayey su’aashaas.

Wasiir Cadami oo la weydiiyey Maxaa Somaliland uga qorshaysan maaddaama oo ay Kooxda Al-Shabaab ka soo qaxayso Koonfurta Soomaaliya ee ay awodda badan ku lahayd? Waxa uu ku jawaabay; “Wallaahi waxa innooga qorshaysan dee waxa jira Guddiyo arrimaha nabadgelyada ah, wakhtiyo wakhtiga shaqada aan ahayn baa la ballamaa, qoloba qolada kale ayey warbixintay hayso ayaa la is-weydiiyaa. Markaa, waxaa Somaliland uga qorshaysan inaynaan sugin wakhtigay cid kale soo dhammeeyaane ka hor-tag la sameeyo oo arrimahaas dadka ku habboon ee dhul-yaqaanka ah laga faa’iidaysto. Wixii lagaga hor-tagi lahaana intay meel isku urursanayaan ama ay cid kale oo innaga innaga horreysan ku foogan yihiin ee ay hawlohooda ku fulinayaan in laga gaashaanto oo laga hawlgalo talo ayaa Somaliland meel uga taalla.”

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed X. Cali Cadami oo aan weydiiyey inay Puntland dhawrkii sano ee ugu dambeeyey dagaal kula jirtay Al-Shabaabta Galgala, isla markaana ay aad uga qaylinaysay Puntland saamaynteeda, hase-yeeshee, Somaliland aanay dhag u dhigin immikana ay Hoy ama Saldhig ka dhigatay, sababta ay u dhayalsanayeen intii hore, waxa uu yidhi; “Cid kale bal yeelkadeedee wax kastaa annaga ha noo dhexeeyeene! Annagu qoladaas (Al-Shabaab) na dhagta wax umaannaan saarin oo maannaan odhan xaggaa ku foognaada, oo xidhiidh noo dhexeey oo aannu waxaa isku farnaa ma jiro. Meelkasta iyo Mandaqad kasta oo ay tahayna cid cid walba u cadaw ah oo aan dadku kala xigin weeye nimankaasi (Al-Shabaab), dee annaguna ma soo qanjiidhin oo xaggaa Puntland kumaannaan foorarinne waa iyaga nidaamkooda.”

“Markaa hore ee la dagaallamayey iyo markan dambe-ba wakhtiyaa jiray aannu wada-shaqaynaynay Puntland iyadoo xidhiidhkeennuba aanu fiicnayn oo ninka Telefeshinka iyo Raadyaha dhagaystaa uu is-odhanayo kuwani waa col-daahii go’ay, ayaannu haddana wararka kala qaadanaynay oo aannu nimankaa iska qabashadooda aannu ka wada-shaqaynaynay, immikana sidii iyo si ka fiican inaannu uga wada-shaqayno ayaannu u soo jeedinaynaa Puntland. Waayo? Cid maanta odhan karta nimankaasi  (Al-Shabaab) innaga innaguma soo socdaan oo indhaha ka qarsan kartaa ma jirto, qorshe lagaga hor-tagayo khatartoodana waa noo meel-yaallaa Somaliland ahaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cadami oo jawaabta uu su’aasha kor ku xusan ka bixiyey sii watay.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo aan wax ka weydiinnay hadalka uu Maamul-goboleedka Puntland kaga jawaabay Safarkii Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisu Axaddii toddobaadkan ku tageen magaalada Laas-qoray iyo sida ay u arkaan, waxa uu yidh; “Dagaalka la dagaallamo adduunka, intaa la arkayo ee muuqata oo keliya maaha, wax badan oo u qarsoon baa jira, markaa Tegistayada Laas-qoray iyo soo dhawaynta dadweynaha waxaa ka turjumaya waxaad arkayseen ee wax aannu annagu sawiri karno maaha, qoladaasi inay timi oo marka hore aanay magaalada soo gelin ee ay Ceelaayo iyo meeshaa ku laabteen, markii aannu ka baxnayna Baabuur sahan ahi timi waannu ognahay. Markaa, haddaad tidhaahdo waan argagaxay iyo waan kurbaday iyo wixii aad doontaba sheegoo waxa weeye qofku jaanis buu leeyahay, marna Jaaniska adigaa lahoo wuu ku saacidayaa, marna waa kaa dhan oo waa kaa soo horjeedaa. Markaa, magaalada, nabadda iyo dadkeenna iyo wax badan baa la xeerinayaaye tamar-yari inaanay kaga maqnayn Somaliland ayuun baa la muujinayey, taasna si fiican baa loo muujiyey.”

“Qofka Aftahamahada badan waxay Carabtu tidhaahdaa haddii Aftahamadaada wax kaa soo gaadhaan marka dambe ha qaylinnin ee cabaadka dambe ka adkayso. Anigu waxaan aamminsanahay arrintan tegista Madaxweynaha iyo Weftigiisa ee Laas-qoray argagaxna ma noqon karto, cid cid qaddanaraas siisay dhulkaas ma jirto, dhul, deegaan iyo dad toona ammaano iyo hawl-yari la isuma siiyo. Talada iyo awooddana waxa iska leh dadka deegaanka ku dhaqan oo cid cid qasabtaa ma jirto, annaga iyo Madaxweynuhuna dadkayagii iyo dalkayagii baannu u tegnay, waajib deegaanka iyo dadka naga saaran ayaannu gudanaynay, dadkaasina wax cadaawad ah oo ay Somaliland u hayaan ma jirto ee waa dad reer Somaliland ah, dhulkuna waa dhul Somaliland, Puntland maxay uga hadashayna odhan mayo oo wax nagaga xidhan baan jirin, cid aannu dalkayaga iyo dadkayaga fasax iyo amar uga qaadanaynaana ma jirto.”

Wasiirka oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay dadka deegaanku Somaliland iyo Puntland-ba la shaqeeyaan oo dhinac walba Maamul metelaa uu ka joogo Laas-qoray iyo badi deegaannada Bariga Sanaag ee Somaliland, miyaanay taasi jaha-wareer ahayn dhinac walibana sheeganayo? Waxaanu Wasiir Cadami ku jawaabay oo yidhi; “Runtii waa loo baahan yahay inay dadka deegaanku meel isugu caga-duwadaan waa waajib, waana mid shacabka looga baahan yahay. Laakiin, annaga si wanaagsan baa naloo soo dhaweeyey, weji wanaagsan baa nala tusay, baahiyihii Maamul ee ay qabeenna way noo sheegteen, waxaannu ka alifaynana maaha ee waatii TV-yada ay ka muuqdeen, dadka hadlayeyna khawaajayaal aannu Gawaadhida ku sidannay may ahayne waa dadkii deegaanka ee reer Somaliland. Laakiin, waxaana kugu raacsanahay oo aanan anigu dood ka qabin intaan cid kaleba ku hirdamin waxa fiican Shacab-weynaha halkaas deggani inaanay la raagin ee cidday raalli ka yihiin iyagu u sheegaan, cidda aanay raalli ka ahayna u sheegaan baa laga rabaa oo mabda midaysan iyo talo midaysan ay dadka deegaanku yeeshaan, annaguna arrintaa waannu kala hadalnay.”

Mar la weydiiyey Dekedda uu Madaxweynuhu Laas-qoray ka dhagax-dhgay Axaddii inay dawladdu dhisayso iyo in kale, waxa uu yidhi; “Horta, Deked maaha ee waa Fishin Cutin (Deked yar oo Kalluun) baa la yidhaahdaa, markii horena Deked weyn oo caadi ah oo ay Maraakiibi ku soo xidhan karaan may ahayn illaa kuwii hore ee dawladihii hore dhiseen iyo mid ganacsatadu dhisatay midna Deked maaha ee waa meelo yar-yar oo Doonyaha Kalluunka loogu talo-galay, tanina waa kuwaas oo kale, dadkeenna Eray-bixinta ayaa ka qaldan. Laakiin, waa meel Ciid badani taallo oo qodis badan iyo kharash badan u baahan, mana hawl-yara anigu waan garan karaa oo ta Xamarba dawladda weyn ee Maraykanka ayaa dhistay.”

“Markaa, markii Madaxweynuhu dhagax-dhigayey waa la sheegay oo waxa la yidhi; ‘Ganacsatada doonaysa inay Kalluunka dibedaha u dhoofiyaan ee Wershadaha leh iyo dadka deegaankuba waa inay ka qayb-qaataan, dawladda Somaliland-na gacan bay ka geysanaysaa, sidaas ayaa loo sheegay ee annagu maannaan odhan Deked aannu sidno ayaannu goglaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.

XIGASHO: WARGEYSKA HIMILO