Somaliland oo u jawaabtay Somalia.

 

Hargeysa(Slpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay madaxwaynaha Soomaliya, kaasi oo sheegay inay Somaliland qayb ka tahay shirka wadatashiga Fedaraalka ee ka socday magaalada Muqdisho.

Nuxurka shir jaraa’id oo ka soo baxay kulan ay xukuumadda Somaliland iyo xisbiga Kulmiye maanta isugu yimaadeen xarunta madaxtooyada JSL ayaa lagu sheegay in weedhaasi ahayd gardaro badheedha oo ay sii kala fogaynayso shacbiga Somaliland iyo Somalia. Waxa kale oo lagu sheegay in aannay Somaliland magan uga ahayn qaranimeeda dalka ay dariska yihiin ee Somalia.

“Inteenii maqashay maalmahan madaxwaynaha soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud waxa uu ka yidhi muqdisho —Shirkan fadaraalka ah mabda’iyan Somaliland way ku jirtaa, waxaan eegaynaa farsamooyinkii ay uga qayb gali lahaayeen–.  Ninbaa laga hayaa arin uu ka yaabay:ninka yidhi waxbaan gani aniga gol iyo cayn jooga ee yidhi badii garcad yaan gudub u waydaarin  godka lagu cadaabyoow, muxuu go’uhu been sheegay.  Weedhaasi waa mid gaf iyo meel ka dhac ku ah qaranimada somaliland, waa gardaro badheedha, waa mid sii kala fogaynasa shacbi Somaliland iyo Somalia.    Somaliland magan ugama aha qaranimadeeda, Illaahay mooyaane cid kale , dantu waxay ku jirta xasanoow  in aynu noqono laba qaran oo daris ah oo is ixtiraama” ayaa lagu yidhi shirkaa jaraa’id