Somaliland oo u diyaar-garowday la wareegista maamulka Hawadeeda Sare, Qaramada Midoobayna Digniin Xaasaasi ah u jeedisay

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay dhammeystirtay diyaar-garow ay ugu jirtay inay iskeed u hanato maamulka Hawada Sare oo gacanta ugu jirta hay’adda ICOA oo Duullimaadyada Caalamiga ah iyo Madaarrada u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Maamulka Hawada Sare ee dal-weynihii laysku odhan jiray Soomaaliya oo Somaliland qayb ka tahay, ayaa tan iyo burburkii dawladdii Dhexe ee ay labada dal ku midaysnaayeen, waxa uu gacanta ku haysay hay’adda ICOA, haseyeeshee waxa khilaaf ka taagan yahay isla markaana aan laga heshiinin Ciddii ay Qaramada Midoobay sida tooska ugu wareejin lahayd maamulkeeda.

IMG_8792Xukuumadda Somaliland ayaa hore u shaacisay inay Qaramada Midoobay uga fadhido masiirka Hawadeeda Sare isla markaana aanay cidna uga daba-fadhiisanayn inay iskeed u maamulato Hantida ay leedahay ee Isticmaalka Hawada Somaliland.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Wasaaradda Duulista Mr Saddam Maxamed Axmed, ayaa lagu shaaciyey inay Xukuumadda Somaliland u diyaar-garowday  inay iskeed u maamulato hawadeeda, haseyeeshee waxa lagu xusay war-saxaafadeedka digniin loogu jeediyey Qaramada Midoobay halis ammaan-darro oo ka dhalan karta haddii maamulka hawada Somaliland lagu wareejiyo Soomaaliya.

Warsaxaafadeedkan, ayaa lagu sheegay sidan: “Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland oo in muddo ah ku hawlanayd u diyaar garowga sidii ay ula wareegi lahayd una maamuli lahayd hawadeeda sare oo ay hore gacanta ugu haysay Qaramada Midoobay, ayaa diyaar garowgaasi uu ku dhamaaday si guul ah.

Wasaaradda Duulista waxay maanta tijaabisay qalabkii lagu maamuli lahaa hawada sare, ee sidoo kale lagula xidhiidhi lahaa Diyaaradaha adeegsanaya Hawadeeda sare iyo Xaga hoose ee Somaliland. Tijaabada qalbakaasina ayaa lagu guulaysatay gabo ahaanba.

Hawshani loogu diyaar garoobayo maamulka hawada oo ay gacanta ku hayaan Khuburo ka tirsan Wasaaradda Duulista oo uu hogaaminayo Agaasimaha Waaxda duulista Eng. Saciid Mahdi Ileeye, ayaa si habsami leh u socota, iyada oo la diyaariyey dhamaan agabkii loo baahnaa.

Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka waxay halkan ka caddanaysaa in Dawladda Somaliland ka go’an tahay inay maamulato hawadeeda awood buuxdana ay arintaasi u leedahay. Somaliland marnaba aqbalaynin in hawadeeda laga maamulo waddan shisheeye.

Ugu dambayn dawladda Somaliland waxay ka digaysaa halisaha ku iman kara daganaanshaha iyo badqabka Mushaaxida hawada sare hadii Qaramada Midoobay ay qaado talaabo aanay isla ogalayn ama ku wada qanacsaneyn dhinacyada arinta maamulka hawadu ay wada khusayso (Stake holders),” sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland.

IMG_8797Dawladda Soomaaliya, ayaa dhowaan shaaca ka qaadday inay bisha tobnaad ee sannadkan si rasmi ah ugala wareegayso Qaramada Midoobay maamulka Hawada Soomaalida ee hay’adda ICOA gacanta ku hayso, taas oo ay Somaliland ku jirto.

Haseyeeshee, Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland oo dhowaan socdaal ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo hay’adda ICOA Xafiis ku leedahay isla markaana kulamo lagaga hadlay sidii ay Somaliland gaar ugu noqon lahayd maamulkeeda Hawada, ayaa sheegay in aanay Somaliland marnaba yeeli doonin in dalka Soomaaliya laga maamulo Hawadeeda.

Marka laga yimaaddo hadalka ka soo yeedhay Dawladda Soomaaliya ee ay ku muddeysay xilliga lagu wareejinayo maamulka Hawada dalweynihii laysku odhan jiray Soomaaliya, Ilaa immikana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay’adda ICOA, in kasta oo Xukuumadda Somaliland hore u sheegtay in aanay masiirka Hawadeeda sare u daba-fadhiisanayn cid aan ahayn Qaramada Midoobay oo wakhtigan gacanta ku haysa maamulkeeda.

SOMALILANDPOST.NET

Contact@somalilandpost.net