Somaliland Oo Suuq Cusub U Raadinaysa Dhoofinta Xoolaha

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda  Xanaannadda xoolaha ee Somaliland , ayaa sheegay in ay suuq cusub oo loo dhoofiyo xoolaha u raadinayaan, isagoo xusay in ay saamayn ku yeesheen dagaaladda dalka Yemen ka socdaa xoolihii la dhoofin jiray.wasiirka xanaanada xoolaha

Cumar Sheekh Maxamed faarax,    oo shalay  shir jaraa’id ku qabtay xafiiskii  waxa uu sheegay in dagaaladda ka socda dalka Yemen ay saamayn ku yeesheen dhoofintii xoolaha ee Somaliland, maadaama oo ay Somaliland xoolo aad u badan u dhoofiso wadamadda Khaliijka Carabta.

Si taas xal loogu helana ay ku hawlan yihiin qorshe suuqyo cusub loogu iibgeynayo xoolaha Somaliland. Waxaanu yidhi “Waxa keliya ee aynu haysano ee aynu dibadda u dhoofinaa waa xoolaha nool, taasina saamayn guud ayay inagu yeelanaysaa xagga dhaqaalaha. Waxaanu rejaynaynaa in ay arrintaasi si dhakhso ah inooga dhamaato, si ay xoolaheenii xuuq u helaan”.

Wasiirku waxa uu xusay  in ay ku talo jiraan sidii loo raadin lahaa suuqyo kale oo loo iibgeeyo xoolaha oo aan ahayn wadamadda Khaliijka. “Waxa kale oo aanu ku tallo jirnaa in aanu helno suuqyo kale oo ka duwan Khaliijka, oo wadamadda Eeshiya ah, sida Maleesiya, Thailand, ama Indooniisiya  ha ahaato in aanu meelo kale suuq ua raadino xoolaha, oo aynaan meel keliya ku koobnaanin” ayuu yidhi  wasiirka xooluhu.

Dhinaca kale wasiirku waxa uu ka hadlay heshiis ay dhawaan dawladda Muqdisho la gashay dawladda Masar, kaasi oo ku saabsanaa in xoolaha Soomaalida loo dhoofiyo dalkaasi Masar. Iyadoo taas bedelkeedana ay dawladda Masar casriyayn iyo balaadhinba ku samaynayso dekaddo ay ka mid tahay ta Berbera.

Isagii arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wixii la isku odhan jiray Soomaaliya warkeedii way dhamaadeen, oo imika laba dawladood oo walaalo ah oo jaar ah ayaynu nahay, oo manta  in uu wadan-na wadanka kale  dhulkiisa sheegto wakhtigeedii ma taagna, taasina (heshiiska) wax ay wax ka jiran ma aha, mana aha wax khuseeya Somaliland. Wax ay Somaliland ogolaanayso, ama ay ka og tahay, ama ay ka war qabto heshiis ay Masar la gashayna ma jirto”.

Sidoo kale wasiirka Cumar, waxa uu tilmaamay in heshiiska ay dawladda Xamar la gashay Masar aanu khusaynin Somaliland, isla markaana aanay dawladda federaalku xukumin Somaliland iyo dhulkeedda. Sidaas darteedna aanay jiri Karin sabab ay u sheegato ama xoolo uga dhoofiso dekadaha Somaliland.

“Dawladda Soomaaliya haddii ay sheegatay dhulka Somaliland iyada ayay jirtaa,  oo ma xukunto halkan (Somaliland), haka dhoofiso  Xamar, Boosaaso iyo Kismaayo ha uga dhoofiso  Masar xoolaheeda. Laakiin halkan shaqo kuma laha, Somalilad waa wadan jira, waa qaran Jira,  wadan Xamar  looga taliyana ma aha wadankani” ayuu yidhi wasiirku.

 

Mar uu ka hadlayay muranka ka taagan buuralayda Siimoodi ee degmadda Baki oo hawlo macdan qodis ah ay ka wado shirkad Shiine ahi, waxa uu yidhi  “Murankaasi ma aha mid ilaa xad sii jira ma aha. waa arrin laga wadahadlayo, waxa keliya ee laga wadahadlayaana waxa weeyi  dadka deegaanka in la wacyi geliyo,  in wax loo sheego, in sida ugu haboon  wax looga dhaadhiciyo. Laakiin wixii khayraad ah ee wadanka lagala soo baxayo la is-hortaagi maayo”.

Somalilandpost.net