Somaliland oo sii-socoshada wada-hadallada Somaliya shuruud uga dhigatay Heshiis laga gaadho Qodob Xaasaasi ah oo Khilaaf ba’ani ka taagan yahay

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka digtay in khilaafka dhanka Hawada ee dawladda Soomaaliya ka baxday heshiiskii laga gaadhay uu horseedo inay burburaan wadahadalladii u socday labada dawladood.

Hadalkan digtooniinta ah ee ka soo baxay Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab u ah hadal dhawaan uu saxaafadda siiyey Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka cirka Soomaaliya, kaasi oo sheegay in hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka hawada ee ICAO ay laba bilood muddo ka yar ka dib lagu wareejinayo Maamulka hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxayna Somaliland taasi sheegtay in hadalkaasi yahay riyo aan rumoobayn abid.

bWasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdioo maanta shir jaraa’id ku qabtay Madaarka diyaaradaha Hargeysa, ayaa dawladda Federaalka uga digtay in khilaafka ka aloosan maamulka hawada sare uu waxyeello u geysto wada-hadalladii u socday labada waddan, taas oo uu sheegya inuu ku xidhan yahay sii socoshada wada-hadallada.

Wasiirka oo ugu horeyn U jawaabaya hadalka dhiggiisa Soomaaliya, ayaa yidhi “Dhawaan wasiir ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa hadlay oo sheegay inay muddo 2 bilood ka yar ay qaramada Midoobay ku wareejinayso Maamulka Hawada, hadalkaasi waxa uu muujinayaa inay ka baxeen heshiiskii ay wada galeen Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu caddeynayaa in aanay dhowrin is fahamkii nagu dhex maray Istanbul ee ahaa sanadka 2015-ka Maamulka hawada dib loogu soo celiyo gacmaha Soomaalida, mudada ka horeysana aanu xallino khilaafaadka noo dhexeeya, anaga oo shir labaadna u ballansaneyn..”

Wasiirku waxa uu sheegay in arrintani imanayso xilli Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii Istanbul “Arrintaasi waa nasiib daro, waa Ummada Muslimka ah ama Umaduhuba hadday wax ku heshiiyaan way dhowraan, laakiin haddii arrintaasi ay xukuumadda Soonmaaliya ay sidaa ku waddo, go’aankeeda iyo guddoonkeeduna uu sidaa yahay waxay albaabada u xidhaysaa oo ay soo oodi doontaa wadahalladii socday, micno ay ku fadhiyaan wadahadallo ay sii wadaan Somaliland iyo Soomaaliyana jirto, mar haddii qodobkii kali ahaa ee la isku afgartayna ay ka baxeen, wax loo sii wadaana ma jirto wadahadallada, ujeeddada wadahadalkuna wuxuu ahaa in lagu daweeyo muranka iyo khilaafaadka inna dhex yaalla…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Arrintani waxay ahayd tii ugu weynayd ee Soomaali ay meel dhigato, laakiin imika waxay caddeynaysaa inaan la is aaminayn, sidaa daraadeed xukuumadda Somaliland arrintaasi isha ayaanu ku haynaa, mowqif aan laleebo lahayn baanu ka taaganahay…”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Hadalkaa ay soo saareen ee ay ku yidhaahdeen muddo laba bilood ka yar-baa hawada nalagu wareejinayaa, waxaan leeyahay waa riyo aan rumoobaynin oo aanay xaqiijin karaynin, Waxaanu xukuumad ahaan u caddeynaynaa shacabka reer Somaliland inaanu ku niyadsan nahay inay arrintaasi tahay malo awaal, hawadoodana aan Muqdisho laga Maamuli doonin, inaan cidna muquunsan Karin xaqeena” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Somaliland qayb ayay ka tahay (Heshiiska qaramada Midoobay ku maamulayso hawada Somaliya) lama dhayalsan karo, waayo hawo iyo garoomo ay maamusho ayay leedahay, hawaduna way qaybsan tahay oo hawada sarena qaramada Midoobayba xukunta, hawada hoosena innaga ayaa xukumanna, diyaarad aynaan fasax siin ma soo fadhiisan karto garoomada Somaliland, Somaliyana kuwooda ayay siiyaan, laakiin diyaaradaha Somaliland soo fadhiista ma siiyaan fasax.”

Wasiir Xaashi waxa uu soo bandhigay qodobbo uu xusay in xukuumadda Somaliland u aragto xalka lagaga gudbi karo khilaafka Hawada “Saddex arrimood ayay dawladda Somaliland u aragtaa in xal lagu gaadhi karo.

1.     Waxaanu doonaynaa in maamulka hawadayada gacanta la noo soo geliyo, haddii aanu nahay qaranka Somaliland, oo FIR gaar ah lanoo sameeyo, sida dawlaha qaarkood u leeyihiin, waa arrin meel mari karta, sharciyaddeedii iyo doodaheedana waanu diyaarsanay, qaramada Midoobayna waanu kaga gar helaynaa.

2.     Mar haddii khilaaf yaallo, ma jirto awood qaramada Midoobay sidaa gacanta ugu sii hayso, inta xal la helayo ee FIR gaar ah lanoo ogolaanayo.

3.     In la meel mariyo heshiiskii Istanbul oo aynu hawada wada Maamulano, oo ay noqoto wax ka baxsan siyaasad, sida imikaba guddida Madaxa banaani u maamulaan.

Saddexbaa qodob wax ka baxsan dawladda Somaliland ma aqbaleyso, umana hoggaasameyno, waxaanuna diyaarsanay sidii aanu hawadayada u maamulan lahayn, annaga oo wasaarad ahaan qaranka uga masuul ah waxaanu gallay tabaabulshaheedii, waxaanuna isugu yeedhnay khuburadayada wixii dibadda joogay, sida waxa ICAO u shaqeeya ee asal ka soo jeeday Somaliland, waxaanu diyaarsanay qalab aanay ICAO na siin, qaramada Midoobayna aanaan marti uga ahayn oo aanu diyaaradaha kula xidhiidhno, waanu tijaabinay. Waa nasiib daro rag siyaasadda Layli ku ah oo aan aqoon u lahayn sida Siraaciyadaa looga baxaa inay ka hadlaan, Somaliya iyo Somaliland midna maanta gacanta waxba kuma hayaan, taag, cudud iyo maskaxna malaha noogu faani maayaan, wasaaradaha duulistuna way is og yihiin, qaramada Midoobayna way og tahay oo annaga ayaa taag roon. Waxaanu mar labaad la digeynaa in buuq la geliyo deganaanshaha hawada, waayo hawadu waa meel xaasaasiya. Haddii laga maarmi maayo oo dunidu diido, Walaaladayo reer Soomaaliyana doortaan annaguna buuqa ayaanu la wadeynaa,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET