Somaliland oo Sii deysay Markabka MV Shakir iyo Hubkii uu Siday, Maxase tahay Sababtu?

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay sii daysay Markabka MV Shakir iyo Saanad-milatari oo uu siday, kaddib markii lagu qabtay dekedda Berbera uu ku dejinayey Bagaas iyo Gaadiid ay leeyihiin ganacsato Shacabka Reer Somaliland.

Saanadda Milatari ee saarnayd Markabka oo isugu jira Baabuurta Gaashaaman, Hubka waaweyn iyo Dooni nooca dagaalka ah, ayaa shalay laga dejiyey Markabka, iyada oo wasiirka Arrimaha guduhu uu sheegay in dawladda Somaliland hubkaas la wareegayso maadaama oo aan la garanayn cid iska leh.

Somaliland oo Sii deysay Markabka MV Shakir iyo Hubkii uu Siday, Maxase tahay Sababtu?Haseyeeshee, shir-jaraa’id oo uu maanta qabtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Bixi Yoonis, waxa uu ku sheegay in dawladda Sudan la soo xidhiidhay dawladda Somaliland, gaar ahaan xidhiidh dhexmaray madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweyne Xasan Cumar Bashiir, sidaasna maanta lagu sii daayey Markabka iyo Hubkii uu siday.

HALKAN KA DAAWO