Somaliland oo shaacisay Qorsheyaasheeda Siyaasadeed ee Wada-hadallada Somalia oo Todobaadyo ka hadhsan yihiin Muddadii loo Cayimay

London (SLpos)- Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland,Md. Maxamed Biixi Yoonis oo ku sugan magaalada London ee xarunta dalka Britain ayaa shaaciyay inay kala hadli doonaan dowladda Soomaaliya sidii ay ugu qancin lahaayeen inay kala soo noqdeen madax-banaanidoodii.

“Wada hadallada soo socda waxaan doonaynaa in looga hadlo sidii aan u kala bixi lahayn Annaga (Somaliland iyo Soomaaliya oo aan u noqon lahayn laba dal oo jaar ah oo walaalo ah,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi oo u warramayay BBC-da.

Maxamed Biixi Yoonis

.
Ma la weydiiyay wuxuu kala socdo wadahadallad hadda socda ee Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya ayuu sheegay inay muhiim noqotay in kalsooni la abuuro, in dadku isku soo dhawaadaan in wadahadallado la billaabo.
Sidoo kale, asiirka ayaa waxaa la weydiiyay in wadahadallada ay dowlado waaweyn oo caalamka ku lug leeyihiin. Isagoo ka jawaabayay su’aashaas ayuu sheegay in dalalka dariska ah ay la socdaan qadiyadda Somaliland halka ay marayso, kuwa waaweynna dhowr jeer oo loo sharraxayay, sidaas awgeedna aanu filayn inay is-hortaagaan qorshaha Somaliland.

“Hadda Soomaaliya waxaa ka jirta dawlad rasmi ah, hore ugama aanay jirin waxaana filaynaa in xilligan ay tahay markii ay ka wada hadli lahaayeen sidii ay u kala tegi lahaayeen,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa waxaa la weydiiyay qorshaha safarka uu hadda ku joogo magaalada London ee dalka Britain, isagoo sheegay inuu kulammo la qaatay Wasiirro ka tirsan xukuumadda UK oo uu kala hadlay qadiyadda Somaliland iyo heerka ay taagan tahay, isla markaana ay ka wada hadleen dhinaca taageerada ay siiyaan maamulka uu ka tirsan yahay.

Somalilandpost.net

London