Somaliland oo Shaacisay inay Ku Qanacsantahay Go’doonka ay kaga jirto Waddamada Jaarkeeda

Maxamed Biixi YoonisHargeysa (SLpost)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii u horraysay shaacisay inay raalli ka tahay, kuna qanacsan tahay xidhitaanka xuduudaha ay dalalka jaarka la wadaagto, gaar ahaan Itoobiya iyo Jabuuti.

Dalalka Somaliland la jaarka ah ayaa xadkooda xidhay, kadib markii qarax khasaare badan sababay hudheel ku yaal magaalada Jabuuti ka dhacay 24 May 2014, iyadoo dawladda Jabuuti xilligaas sheegtay in laba qof oo weerarkaas fuliyey dalkeeda uga soo tallaabeen dhinaca Somaliland, taasoo sababtay in waddammada Itoobiya iyo Jabuuti xidhaan xadkooda, iyadoo arrintaasina dhibaato xooggan ku keentay isu-socodka dadka, isla markaana muwaadiniin badan oo reer Somaliland ah ay tallaabadaasi saamayn ku yeelatay.

Xisbiyada mucaaridka ah, gaar ahaan Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa toddobaadkan sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland tahay mid aad u hoosaysa, isla markaana ay mareyso in waddamada jaarku xidhaan xuduudka ay la wadaagaan, arrintaasoo uu ku sifeeyey inay muujinayso hoos-u-dhac ku yimi siyaasadda khaarajiga xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Haseyeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo waraysi siiyey wargeyska afka dawladda ku hadla ee Dawan, ayaa qiray in xukuumaddoodu raali ka tahay, kuna qanacsan yihiin xadka dawladda Itoobiya xidhatay.

“Xidhitaanka xuduudka ee Itoobiya waxay ku lug leedahay arrimo xagga ammaanka ah, annaguna Somaliland waannu la oggolnahay oo wixii nabadgelyo-darro geysanaya in aannu ka wada shaqaynno waa mid aannu la oggolnahay, waanay noo sheegeen, waxaanay ka mid tahay cilaaqaadka laba waddan ka dhexeeya ee arrimaha nabad-sugidda, si aanay dad nabadgelyada waxyeelayaa ugu gudbin,” ayuu yidhi Wasiir Biixi Yoonis, balse kama hadal dhibaatooyinka muwaaddiniinta reer Somaliland kala kulmaan xuduudaha xidhan ee Itoobiya iyo Jabuuti.

Wasiirka Khaarajiga oo mar kale saxaafadda u waramay shalay, waxa uu sheegay xidhitaanka xudduudaha dalalka jaarku yihiin qaar dhinaca nabadgelyada khuseeya oo la isla ogyahay, waxaannu yidhi; “Jabuuti iyo Itoobiya waa laba waddan oo aannu aad iyo aad iskaga kaashanno xagga nabadgalyada iyo amniga, taas oo mahad Alle ay tahay in dadkeennu nabad ku seexdo, cilaaqaadka aannu la leenahay labada waddan oo aannu ka ilaalo in dhibaatooyin ku dhacaan, iyaguna ay inaga ilaaliyaan in aanay inagu dhicin ayaanu kala shaqaynaa.

Arrintaas oo aannu xoojinayno awgeed ayaa laga yaabaa in dadka qaarkii iswaydiiyaan maxay xuduudda Itoobiya ama Jabuuti u xidhan tahay? Laakiin waa arrimo ku lug leh nabadda iyo xasilloonida, waa arrimo aannu isku ognahay oo aannu ka wadashaqayno dawladaha jaarka ah.”

Waxa kaloo uu sheegay in kulan dalalka Somaliland iyo Itoobiya ku dhexmaray magaalada Diridhaba toddobaadkan uu gogol-xaadh u yahay shirweyne heer wasiirro oo madaxda labada dal ku yeelan doonaan magaalada Addis Abaab.

“Sida aad la socotaan shirweyn ayaa oo ka dhacay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, oo ay ka qaybgaleen dhawr iyo labaatan qof oo ka socda Somaliland iyo dhawr iyo labaatan qof oo iyagna ka socday Itoobiya, shirkaas oo lagaga hadlayay ammaanka iyo ganacsiga, waxaannu shirkaa u dirnay koox culus Somaliland ka socotay, waxaanna weftiga xagga Somaliland ka socday hoggaaminaysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo hormood ka ahayd, laakiin waxa xubno ka ah ahaa ganacsiga, nabad-sugidda iyo qorshaynta, masuuliyiin ka socday Dekedda Berbera oo uu ka mid ahaa Maareeyaha Dekedda Eng. Cali Xoor-xoor. Arrimaha lagaga wada hadlayay waxa ugu muhiimsanaa sidii aannu dawladda Itoobiya uga wada shaqayn lahayn ammaanka iyo horumarinta ganacsiga. Waxa kale oo ka mid ahaa weftiga ka socday dhinaca Itoob iya masuuliyiinta iyo shaqaalaha safaaradda Itoobiya ee Hargeysa.

Shirkaasi waxa uu gogol-dhig u ahaa shir dhici doona oo ay wasiirro ka socda labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland oo kan ku xigaya, kaasoo labada dawladood ku wada hadlayaan oo wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Somaliland iyo Itoobiya hoggaamin doonaan, wasaaradaha maaliyadda, dekedaha, ganacsiga, ammaanka iyo ilaalinta nabadgelyada lagaga wada hadlayo, waana shirkii saddexaad oo dhaca. Marka imminka weftigu shirkaasi ka soo noqdaan waxa loo diyaar-garoobayaa shirka dambe ee shirkani gogoldhig u ahaa, kaasoo ay dhinaca Somaliland ka qaybgeli doonaan anigoo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Daakhiliga, Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Qorshaynta afartaas xubnood oo aan anigu hoggaaminayo, Madaxweynuhuna magacaabay, wasiirradaas oo iyagu hawlahaaasi qaabilsan, shirka dambena waxa la filayaa inuuu ka dhaco magaalagadda Addis Ababa,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.

Dhinaca kale, saraakiisha ugu sarreeya dhinaca ammaanka ee Somaliland, ayaa safar aan ujeeddadiisu caddayn ku tagay dalka Jabuuti, weftigaasoo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde, lamana garanayo sababta socdaalkoodu la xidhiidho, balse marka la eego miisaanka xubnaha weftiga waxa la filayaa inay madaxda dawladda Jabuuti kala hadlaan arrimo khuseeya ammaanka iyo qaraxii khasaaraha sababay ee Jabuuti ka dhacay bishii May ee sannadkan 2014.

XIGASHO: JAMHUURIYA