Somaliland Oo Shaacisay Inay Joojisay Qaxoontiga Ka Imanaya Yemen Iyo Sababta Keentay Go’aankaas

Hargeysa, (SLpost)- Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa maanta shaaca ka qaaday in Somaliland guud ahaanba laga joojiyay dadka qaxoontiga ah ee kasoo qaxaya dalka Yemen.warancade-200x200

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa si cad u sheegay in laga bilaabo maalinta bari ah in Somaliland joojisay guud ahaan dadka qaxoontiga ah ee ka imanaya dalka Yemen, sababo la xidhiidha dhinaca amniga iyo hay’adihii qaabilsana qaxoontiga oo ka gaabiyay inay Somaliland ka gacan siiyaan dadkaas qaxoontiga  ah. “Dawladda Somaliland waa dawlad yar oo aan weli dunida laga aqoonsan intii hore annagaa la kacaa kufnay oo hayna, laakiin waxa dambe ee soo socdaa way naga xoog badan yihiin, dhaqaale ahaan. Waxa kale oo aad la socotaan in caalamku uu warwar weyn ka qabo dhinaca nabadgelyada oo dadkaa masaakiinta ah ee qaxoontiga ah ay ku dhuuntaan dad qas wadayaal ah. Sidaa darteed caalamka waxaanu u sheegaynaa inta aanu ka helayno caawimo xaga nabadgelyada ah oo aanu la kaashano dunida iyo inta loo helayo dadkaasi waxay quutaan, laga bilaabo bari waxaanu joojinay dadkii ka imanayay Yemen,  maadaama oo dhinaca nabadgelyada iyo dhinaca quudintoodii dadka reer Soomaaliya ee ay hay’adduhu diideen inay wax siiyaan oo ay diideen inay gaadhsiiyaan halkii ay u socdeen, anaguna inaanaan qaabili karin, awoodna aanaan u lahayn, haddii ay tahay dhinaca nabadgelyada iyo haddii ay tahay dhinaca quudintaba, sidaasaanu u joojinay dadkii reer Soomaaliya ee ka imanayay Yemen, dekeduhuna ay ka xidhan yihiin.” Ayuu yidhi wasiir Waran-cadde.

Wasiirka arrimaha guduhu waxa kale oo uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay arrimo la xidhiidha qaxoontiyada dalka ku sugan iyo sida markii horeba Somaliland ay gacan u siin jirtay dadkaas, waxaanu yidhi. “Waxaad la socotaan in Somaliland gacmo furan kusoo dhaweysay dadkii kasoo qaxay dhibaatada Yemen dhalashaduu doono ha lahaadee, maantana dalkeena waxa jooga tiro badan oo ilaa saddex kun iyo dheeraad ah, waxaananu imika filaynaa inay aad  u soo qulqulaan dadka qaxoontiga ah ee kusoo waajahan Somaliland. Dunida marka dhibaato ama qax ka dhaco waxa u gurmada hay’adda ka shaqeeya arrimaha bani’aadanimada iyo kuwa gargaarka fidiya, waxa dhacday, iyadoo ay kumanaankaas qof ee u dhashay Soomaaliya ay joogaan Somaliland in hay’addihii ay ka gaabiyeen ,kana joogsadeen in dadkaas masaakiinta ah ee aan xoolahana wadan, xoogana haysan inay quudiyaan, kaalmo lagu hayo u sameeyaan, noloshooda kafaalo qaadaan.”

Somalilandpost.net