Somaliland Oo shaacisay In wada hadaladii u socday Soomaaliya ka furmayaan turkiga

Hargaysa (SLpost)-Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ay dalka Turkiga ka furmi doonaan todobaadka fooda inagu soo haya.

Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta u warramayay warbaahinta qaranka, waxaanu yidhi “Shirkii Wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxay ka dhacayaan Turkiga, waxaanu ka qabsoomi doonaa saddex cisho ka dib, weftigii Somaliland uga qeyb galayay waxaanu Somaliland ka baxaynaa Axadda soo socota. Markaa wararkan la isla dhex marayo ee aanay waxba ka jirin dadku inay rumaystaan ma aha.”

maxamed biixi2

“Wada hadallo burburayna ma jiraan, wada hadaladu way socdaan waanan ka shaqaynaynaa,”ayuu intaas raaciy Wasiir Maxamed Biixi.
Wasiirka Khaarajigu waxa uu sheegay in dalka Ingiriiska isaga iyo Wasiirka Ganacsigu ay kula kulmeen mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee shiidaalku sidii ay u isticmaali lahayd marsadda Berbera, waxaanu yidhi “Waxaanu tagnay aniga iyo Wasiirka Ganacsigu Ingiriiska, waxaanu la shiraynay dad kala gedisan Shirkadda la yidhaahdo DITOL, waa mid ka mid shirkadaha ugu waaweyn caalamka, oo dakhligooduna uu ahaa sanadkii ina dhaafay 400 oo malyuun oo tan oo saliid ah ayay caalamka u kala gudbiyaan. Waxay ahmiyad weyn siinayaan inay dalkeena wax ka qabtaan oo ay saliida qaydhiin Itoobiya iyo wadamada dariska tagaysa Berbera soo mariyaan. Waxaanan ku kalsoon nahay sidii shirkaasi aanu la yeelanay noogu qabsoomay.”

Wasiirku waxa uu ka jawaabay eedo ka soo yeedhay murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID oo ku tilmaamay siyaasadda dibadda Somaliland mid fashilan, waxaanu yidhi “Wasaaradayda waxa la yidhaahdaa wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, waxaan ahay albaabkii innaga (Somaliland) iyo ajanabiga u dhaxeeyay. Waa inaan soo dhaweeyo oo aan dad mashaariic wada dalka keeno oo aan ku xidho wasaaradii ay kolba hawsha laga hadlayaa ay khusayso.”
“Imika Caalamku waxa uu imika marayaa in dhaqaale iyo horumarka laga shaqeeyo. Maanta waddankanna waxa uu u baahan yahay horumar iyo dhaqaale, waxa uu u baahan yahay wax tahriibka innaga joojiya, waa inaynu qof weyn iyo mid yarba ku dedaalo inaynu shirkado waaweyn dalka keeno,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu, waxaanu intaas ku daray “Marka aad shirkado waaweyn dalka keento dan ayay dalkaagii ku yeelanayaan. Markaa dhaqaaluhu waa siyaasadda ugu weyn ee wasaaradda khaarajigu hayso.”

Somalilandpost.net

Hargaysa