Somaliland oo Ruqsadda kala noqotay Laba Shirkadood oo Isgaadhsiinta ah

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay Liisanka kala noqotay laba shirkadood oo Isgaadhsiinta ah kuwaas oo ka hawl-gala dalka, waxaana go’aankan lagu sababeeyey kaddib markii shirkadahaasi ka soo bixi waayeen shuruudihii looga baahnaa.

CABDIWALI

Wasiirka isgaadhsiinta iyo Technolog-yada Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi, ayaa sheegay inay Ruqsadda kala noqdeen Shirkadaha NationLink iyo Africa Online kaddib markii sida uu sheegay ay ka dhega-adaygeen isla markaana bixin waayeen cashuurihii ku waajibay.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE