Somaliland oo Nabad ugu Baaqday Maamul-goboleedada Soomaaliya ee ku Dagaalamaya Magaalada Baydhabo

 

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa markii ugu horaysay ka hadlay shaqaaqooyinka Ka Socda Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta gobolka Mudug ee Soomaaliya ee dhex maraya maamul-goboleedada Puntland iyo Galmudug. Wasiirku waxa uu maamuladaa ugu baaqay in ay xasiloonida ku soo dabaalaan isla markaana mandaqadda amniga u adkeeyaan.

 

Wasiirka ayaa saxaafadda ugu waramay garoonka caalamiga ah ee Cigaal isaga oo hogaaminayey wafti uu hogaaminayey oo u socdaalayey magaalada Nairobi ee xarrunta dalka Kenya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorshaynta qaranka Mudane Cali Shoombe, Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xagaltoosiye iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo ta Dastuuriga ah ee Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed

https://youtu.be/wPeoKFvcLyQ