Somaliland oo Mowqif Adag iska taagtay Xulafada Dalalka Badda Cas oo Dowladda Sucuudiga dabada ka riixayso

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa mar kale ku celisay mowqifka ay ka taagan tahay wada-shaqayn iyo iskaashi dhexmara dalalka xubnaha ka ah xulafada Badda Cas oo ah urur ay ku midaysan yihiin dalalka xeebahoodu ku teedsan yihiin Xeebaha badda cas, kuwaas oo isugu jira dalalka Mandaqadda Geeska Afrika iyo Khaliijka Carabta.

Xukuumadda Somaliland waxay sheegtay inay wali ku adkaysanayso mowqifkii ay hore uga gacan-saydhay siyaasadaha, barnaamijyada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan dalalka xubnaha ka ah Isbaahaysiga Badda Cas ilaa iyo inta Somaliland ka maqan tahay layskana indho-tirayo kaalinteeda ku haboon ee ay ku dhex leedahay daneeyayaasha muhiim ah ee qorshahan.

Haseyeeshee Xukuumadda Somaliland waxa ay soo dhawaysay dedaallada iyo qorsheyaasha iskaashi ee lagu xoojinayo ammaanka iyo xasilaannida marin-biyoodka Badda Cas oo halbowle u ah isu-socodka dhaqan-dhaqaale ee mandaqadda iyo Caalamka guud ahaan. balse waxa ay xukuumaddu ku gooddiday inaanay xuquuqda baddeeda cid kale u daba-fadhiisan doonin, sida lagu sheegay War-murtiyeed maanta ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

War-murtiyeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, waxa lagu sheegay inaanay Somaliland aqoonsan doonin hirgelinta hay’ad meesha ka saaraysa xubinimada dhinacyada ay qusayso oo nidaam sharciga baalmarsan loo maray.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku celcelineysaa mowqifkeedii hore ee ahaa inay indhaha ka laliso oo aanay iskaashi la yeelan siyaasadaha, barnaamijyada iyo howlaha wadamada Afrika iyo kuwa Carabta ee xaduudka la leh Badda Cas, ilaa iyo inta ay ka maqan tahay lagana diidey kaalinta ay ku dhex leedahay daneeyayaasha muhiimka ah. Somaliland waa dal madaxbanaan umana wakiilan doonto Xuduudkeeda badeed wadan kale.

Somaliland waxay aqoonsan tahay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Badda Cas u leedahay nabadda iyo xasiloonida gobolka iyadoo muhiimad ahaanna soo dhoweyneysa baahida loo qabo in la horumariyo mowqif laga midaysan yahay oo lagu ilaaliyo Biyaha Badda Cas.  Aqoonsigaas awgeed, Somaliland waxay dadaal dheer ugu jirtay ilaalinta iyo xaqiinta sidii biyaheeda badda ee ku teedsan xeebteeda 850 KM uu ahaado mid nabdoon oo ka nabad-gala budhcad-badeednimada iyo falalka kale ee argagixisada,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka oo ku qornaa Luqadda English oo aanu Afka Soomaaliga ku soo tarjumnay.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Waxaanu aaminsannahay in dhowrista amniga Biyaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay quseyso dhammaan waddamada xeebahoodu ku teedsan yihiin Biyaha Badda Cas, waananu taageeraynaa in dhinacyo badan nagala qayb-qaataan Xalka Caqadaha aanu ka midaysanahay. Si kastaba ha noqotee, Somaliland ma aqoonsan doonto samaynta wax kasta oo daneeyayaasha sharciga ah uga reebaya qaab aan ku habboonayn oo cid-jeclaysi ku salaysan.

Somaliland waxay rajaynaysaa iskaashi kasta oo si firfircoon uga qaybqaanaya nabadgelyada iyo barwaaqada biyaha Badda Cas, iyada oo aan lagu xad-gudbayn madax-bannaanida waddan kasta. Somaliland waxay u aragtaa in nabaddeeda, xasilloonideeda iyo horumarkeedu si buuxda ugu xidhan tahay midda gobolka guud ahaan, waxayna kala shaqayn doontaa dhammaan daneeyayaasha guud ahaan in arrimaha iyo dadaallada lagu jiro lagu dabbaqo rabitaan is-afgarad laga yeesho rabitaan laga midaysan yahay oo dhinac kasta raalli-gelinaya.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo ku qornaa luqadda English oo Somalilandpost soo tarjumay.

Bishii April ee sannadkii 2019, kulan magaalada Nairobi ku dhex-maray Wakiillo ka socday dalalka ku midaysan urur-goboleedka IGAD, ayaa lagu shaacisay abuurista Ciidamo ay leeyihiin Isbaahaysi ka kooban dalalka Geeska Afrika ee ku yaalla xeebaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo shaqadoodu noqon doonto ilaalinta ammaanka badda Cas. Go’aanka lagu abuuray isbahaysiga oo lagu go’aamiyey shirweyne bilowgii sannadkan ku qabsoomay dalka Jabuuti, waxa dabada ka riixaya waddanka Sucuudiga oo haysta xeebaha ugu dheer ee Badda Cas, iyadoo meesha laga saaray in laga qayb-galiyo Somaliland oo goob istaraataji ah kaga taalla Biyaha Gacanka Cadmeed oo ah marinka Badda Cas.

Somalilandpost.net
Contact@somalilandpost.net
somalilandpost@live.com