Somaliland Oo Mawqif Adag Iska Taagtay Maamulka Hawada oo Soomaaliya Dooneyso In Qaramada Midoobay Kala Wareegto

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Somaliland, ayaa meel adag iska taagtay dedaallo dawladda Soomaaliya ku doonayso in qaramada Midoobay ku wareejiso Maamulka Hawada, waxayna Somaliland sheegtay in aanay dhici Karin in hawada Somaliland laga maamulo Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wefti ay ka mid ahaayeen wasiirrada Arrimaha dibadda, Gaashaandhigga iyo Caafimaadka oo toddobaadkii hore socdaal ugu kicitimay Magaalada Nairobi, ayaa hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada u gudbiyey mowqifka  Somaliland ee la xidhiidha Maamulka Hawada, taasi oo deba socotay hadal uu dhawaan Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya ku sheegay in hay’adda ICAO ku wareejinayso Maamulka hawada.

IMG_8649Wasiirka Duulista Somaliland oo maanta dalka dib ugu soo laabtay iyo xubnaha kale ee Weftiga oo iyaguna maanta soo laabtay ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, waxay kaga hadleen maxsuulka safarkii Nairobi iyo mowqifka iyo gar-naqsiga ay u gudbiyeen hay’adda ICAO.

IMG_8642Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa hore loogu heshiiyey in Guddi ka Madax-banaan dawladaha (Somaliland iyo Soomaaliya) ay maamulaan hawada, xarunta laga maamulayaana noqoto caasimadda Somaliland ee Hargeysa, sida muuqata walaalahayo Soomaaliya heshiiskaasi way baal-mareen, markii ugu dambaysay ee aanu kulannayna muran-bay ka keeneen hadalkii qoraa ee lagu heshiiyey, imikana annaga oo ku heshiinay in bisha koowaad ee sanadka 2015-ka maamulka hawada gacmaha Soomaalida dib loogu soo celiyo, mudada ka horeysana la isla eego qaabka wax loo maamulayo, khilaafaadka soo dhex galeyna la saxo, qodobka ay tafsiirkiisa qaldeena ay soo saxaan, ayaanu ku kala nimid markii u dambaysay…”

IMG_8618Wasiir Maxamuud Xaashi, waxa kale oo uu sheegay “Qaramada Midoobay waxay soo dirtay wefti culus oo qiimaynaya Madaarada Somaliland iyo Soomaaliya, iyada oo hawshaasi  socota ayay Masuuliyiin ka mid ah Soomaaliya tageena xarunta qaramada Midoobay ee laga maamulo hawada ee Mountreal, waxay la tageen dacwad ah Maamulka hawada ha lanagu wareejiyo, anaga ayaa dawladdii ah’e.  Arrintaasina waxay baalmarsan ku tahay heshiiskii hawada laga waday, ayna adag tahay si arrintaasi isfaham buuxa looga sameeyaa. Arrintaasi markii aanu xogteeda hellay, weftigayagan culus ee Wasiirka arrimaha dibadda, Wasiirka caafimaadka oo naga dambeeyay (Wasiirka Gaashaandhigga) iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, shaqooyinkii aanu Nairobi u tagnay ayay ka mid ahayd inaanu beesha caalamka u gudbino mowqifka Somaliland arrintan ka taagan tahay, inaanu beesha caalamka iyo qaramada Midoobay uga digno khataraha ka iman kara muran ka dhasha hawada ama khilaaf hor leh oo hawada ka dhasha, Soomaali khilaafkii dhulka ayay qaadi la’dahay, mid cirka ah oo ku soo kordhaana halisihiisa ayuu leeyahay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Xukuumadda Somaliland iyo shacabkeedaba waxa ka go’an inay hawadooda gaar u maamushaan, qaramada Midoobayna waanu u sheegnay in Somaliland tahay dal maamul leh, xuduudo sugan leh, cir sugan leh, waxaanu u gudbinay FIR gaar ah (Flight Information Region), dalal waxa jira aan Marxadaladdeena oo kale ku jira oo leh FIR, waxaana ka mid ah Taiwan iyo Falastine, waa dalal sideenna oo kale aan aqoonsi helin, arrimahaasi oo daliil cad ah ayaanu u gudbinay. Waxaanu u sheegnay in xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland oo isku duubani aanay marnaba ogolaanayn in hawadooda laga maamulo Muqdisho, waayo dawladda Soomaaliya ka xukunto halkan, mana maamuli karto hawadeena. Mudada ka horeysa inta la inoo qaybinayo waxaanu ogollahay in Maamulka Hawada ay gacanta ku sii hayso qaramada Midoobay, taana si wanaagsan oo togan-baanu ugu gudbinay, duniduna way noogu wada garaabeysay inaanu gar leenahay, wax na yidhaahda waad gardaran tihiin maanu arag”

IMG_8633Wasiirka Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, waxa uu ka digay mushkilado uu hawada labada dal u horseedo khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya “Hawadu waxay u baahan tahay bad qab, waayo diyaarado badan-baa hawadn mara, 150 diyaaradood-baa mara hawada Somaliland iyo Soomaaliya 24-kii saacadoodba, haddii si wanaagsan loo maamulana waxa mari kara in intaa ka badan, qaar badan-baa ka baydhay , haddii khalkhal iyo murug soo gelana cidna ku lulan mayso, Somaliland-na maaha dad go’aan loo gaadho…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Qadiyaddani noqon mayso mid aanu Soomaali oo kaliya kala hadlayno, cidda ugu horeysa ee aanu kala hadlaynaa waa qaramada Midoobay, waayo cidda wax noo haysaa waa iyaga, waxaa ay hayaan ayaynu wax ku leenahay. Ta kale Somaliland waxa ka go’an inay tallaabooyin adag qaaddo haddii maamulka hawada lagu wareejiyo Soomaaliya. Imikana hawo Soomaaliya lagu wareejiyey ma jirto, laakiin waxa jira han ay ku doonayaan inay la wareegaan, mowqifka Soomaaliya wuu cad yahay, mowqifka Somaliland-na wuu cad yahay, go’aankana qaramada Midoobay-baa leh, mid aynu innagu gacanta ku hayno maaha, iyaguna mid ay gacanta ku hayaan maaha, martina ugama nihin Soomaaliya, innagu cidda aynu martida uga nahay waa cidda wax inoo haysa. Bulshada caalamkana waxaanu ugu sharaxnahay si garasho leh, bulshada Somaliland waa bulsho nabad jecel, waa bulsho taqaana sida loo heshiiyo, waa bulsho taqaana heshiisyada sida loo dhowro, intaasi oo kaliya maaha ee colaaddana waanu naqaanaa”

IMG_8629Wasiiika arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay “Sida Wasiirka Duulistu sheegay arrinka hawada waxa gacanta ku haysa qaramada Midoobay, Turkiga waanu kaga wada hadalley (Soomaaliya), mowqifka ay Somaliland qabtana waanu u caddeynay, taasina sida wasiirku u sheegay marka go’aan dhaco ayaa taladeeda la goosan doonaa. Sida Qaramada Midoobay u shaqeyso markaan eegana, waxaan qabaa in aanay ku deg-degayn in cid la siiyo hawl laba qolo u dhaxeysa..”ayuu yidhi, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis.

 

SOMALILANDPOST.NET